Wasiirka Warfaafinta Oo Kulan Guubaabo iyo Xog-waran ah la Yeeshay Madaxda Iyo Shaqaalaha Dawan Media Group

0
328

Hargeysa(Dawan)-Madaxda ugu sarraysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda  Somaliland),  ayaa shalay kulan is xogwaraysi ah la yeeshay madaxda iyo shaqaalaha Dawan Media Group (DMG).

Kulankan oo ahaa mid ay masuuliyiinta  wasaaradda iyo shaqaalaha Dawan Group isku xaal waraysanayeen isla markaana kaga wadahadlayeen baahiyaha ka jira DMG iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan shaqaale weynaha DMG oo shalay ku qabsoomay hoolka shirarka ee Dawan,ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda wasaaradda  oo uu hor kacayay  Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta  Md. Cismaan Cabdilaahi Saraxdiid(Caddaali),  Wasiirudawlaha, Wasiir ku-xigeenka,agaasimaga guud ee wasaaradda warfaafinta, Guddoomiyaha DMG, Maareeyaha TV-ga qaranka Maareeye ku-xigeenka TV-ga qaranka iyo guud ahaan shaqaale waynaha Dawan.

Ugu horrayn waxa kulankaa ka hadlay Guddoomiyaha DMG, Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo tafaasiil ka bixiyay shaqada bahda Dawan Media group ay qaranka u hayaan  iyo qaybaha ay ka kooban tahay oo ah shan waaxood oo kala duwan.

“Mudane Wasiir,   guud ahaan Dawan Media Group,  waxay ka kooban tahay shan waaxood oo kala ah saddexda Wargays ee k u soo kala baxa afafka Soomaaliga, carabiga iyo Ingiriisiga,  waaxda madbacada iyo waaxda Maamulka guud ahaan shaqaalaha ka hawlgalaana waxay ka kooban yihiin  78 qof  oo u kala qaybsama shantaa waaxood ee ay ka kooban tahay Dawan mediagroup. Waxa ka mid ah  78-ka qof ee shaqaalaha ah  5 nin oo khubarro farsameed ah  oo aanu dibadda ka keenay maadaama aan Madbacada aanu  ku shaqayno aan halkan (Somaliland) aan looga helayn cid takhasus ku ah oo ka shaqaysa isla markaana dayactirta.  shaqaalaha DMG  46 qof oo ka mid ah oo aan odhan karo waa mishiinka wada shaqada Dawan, waxay ahaayeen shaqaale aan rasmi ahayn, wixii imika ka horreeyay  iyadoo qaarkood ay toban sanno iyo ka badan shaqaale aan joogto ahayn ay ahaayeen  oo ay u soo samrayeen kuna  niyad samaayeen iyagoo ahaa shaqaale aan  rasmi ahayn oo maalinta la doono la eryi karo laakiin maanta waxay yihiin mid shaqaale rasmi ah oo ka tirsan shaqaale waynaha wasaaradda warfaafinta,  taana waanu kaaga mahad naqaynaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Sayid, waxaanu intaas ku daray,  “Waxa  kale  oo jiray 20 xubnood oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda oo ka hawlgala Dawan oo ahaa kuwii lagu aasaasay Wargayska Dawan markii uu la odhan jiray Maandeeq 1998-kii, mushahayr  way qaadan jireen, laakiin wax gunno ah may qaadan jirin muddada intaa leeg. Balse waxa farxad kale  noo ah in ay maanta ku jiraan shaqaalihii wasaaradda ee aad gunada u samaysay. maanta laga bilaabana ma jiro qof ka tirsan shaqaalaha DMG oo bilaa mushahar  iyo bilaa gunno ah.”

Guddoomiye ku-xigeenka DMG Cumar Maxamed Faarax oo isna kulankaa  ka hadlay ayaa madaxda Wasaaradda uga mahadnaqay kulanka ay ugu yimaadeen isla markaana ku soo dhaweeyay xarunta DMG waxaanu ku bogaadiyay Wasiir Caddaani tallaabooyinka xaqsoorka ah ee uu ka sameeyay wasaaradda iyo sida uu u simay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda ee uu ugu caddaalad sameeyay,  taasoo uu sheegay in ay tahay tallaabo hortii in badan la isku dayay laakiin cid ku guulaysata la waayay.

 

“Mudane Wasiir, waxaanu halkan idiinku soo dhawayanaynaa annagoo ah madaxdii iyo shaqaalihii DMG. Annagoo mudd dheer filaynay in aad noo iman doonto,maalintii dhawayd ee aad ku dhawaaqday sinnaanta shaqaalaha waxaad qaadeen tallaabo wayn oo shaqaalaha Dawan ay aad ugu riyaaqeen iyo kuwa kale ee wasaaradduba, laakiin magacii Caddaali ayuun baa nalooga horreeyay oo annaguna magacyo kale ayaanu ku maqnayn oo aanu soo wadnay oo aanu islahayn ugu  wanqala Wasiirka oo aanu kala door dooranaynay oo aanu is lahayn  tolow ma ‘Dhiirane,ayaad u bixisaan mise Maseeye’ iyo waliba qaar kale oo badan intaanu ka fikiraynayay ayuu naga hor  baxay magaca Caddaali.

Waxaad noqotay  Wasiirka kaliya ee wasaaradda soo maray ee shaqaalaha Dawan ku xisaabtamay ee tirada ku daray iyo gunada aad  shaqaalaha u sameeyayba, gunadaa aad nagu dartay  waxay noqonaysaa mid niyaddayada kor u qaada oo wax ka bedasha shaqadii aanu qaranka u haynay. Intayada halkan joogtaa waxay aaminsan yihiin in oo ay fulinayaan shaqadii Madaxweynuhu kuu soo igmaday  oo hoos loo daadejiyay  qurub ka mid ah   oo ay kaa saacidayaan ,shaqaalaha Dawan,  sida lagu sheegay waxay ku soo shaqaynayeen duruufo adag oo kala duwan waxaana maanta noo farxad ah in dhawr iyo afartan qof oo muddo toban sanno ah iyo ku dhawaad ku soo shaqaynayay shaqaale aan joogto ahayn  in ay maanta shaqaalaha wasaaradda ka mid yihiin oo aad ku dartay shaqaale waynaha wasaaradda oo ay maanta shaqaale dawladeed oo rasmi ay ay yihiin.”

Cumar Maxamed oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Wasiir, shaqaalahayagu waxay yidhaahdaan Wasiirku marka uu hadlayo inama soo hadal qaado oo wuxuu ka hadlaa idaacadda  iyo Tv-ga qaranka oo keliya laakiin waxaanu ku nidhi  ‘mar kasta oo aan la ina soo hadal qaadin waxay ka dhigan tahay in aanay Dawan waxba ka khaldanayn.Mudane Wasiir,  waxaa ka mid ah baahiyaha taagan ee imika noogu darani  waa gaadhi shaqaalaha qaada.  markaa waxqabadkaagii wanaagsanaa iyo talaabooyinkii aad ka qaaday dhanka shaqaalaha taana noo raaci, waxaanan Wasiir kugu  hambalyaynaynaa tallaabadii aad ka qaadatay sinnaanta iyo u caddaalad samaynta shaqaalaha wasaaradda oo muddo dheer ahayd qaddiyada la mid ah  ta  Falastiin iyo Isra’il oo aan laba soo hadal qaadi jirin oo aad ku guulaysateen.”

Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaali) oo kulankaas ka hadlayaa kulankaas ka jeediyay khudbad iskugu jirtay mahadcelin iyo guubaabo  uu shaqaalhaa DMG, ugu baaqay inay dedaal weyn u galaan inay sidii ay waajibaadkooda shaqo uga soo dhalaali lahaayeen, waxaanu yidhi, “Farxad ayay  noo tahay haddaanu nahay madaxda wasaaradda in aanu maanta(shalay) aanu idiin nimaadno oo aynu is barano is dhegaysano oo aynu kala war qaadano oo aynu si xaal waraysano oo la is ogaado, taasi waxay wax ka taraysa in  la isku xidhnaado oo qofka duruuftiisa la ogaado,taasina waa wax wayn oo ka mid  ah  niyad dhiska qofka,masuuliyiinta wasaaradda ee  aanu ku wada soconno ee   halkan joogana waxaa naga go’an in wasaaradda warfaafintu ay noqoto mid lagu soo hirto oo qof kasta oo shaqaale dawladeed ahiba in uu yidhaahdo waxaan doonayaa in aan ka mid noqdo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,taana waxaa keenaya caddaaladda.”

“Waxa  muddadii aan wasaaradda joogay aan dersayay shaqaalaha wasaaradda.  waxaa noo soo baxay in ay joogaan wasaaradda laba qof oo isku shaqo ah oo kala lacag badan taas ayaanu diidnay oo aanu joojinay maantana wasaaradda kama jiraan laba qof oo isku shaqo ah oo wax is dheeraanayaa,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wara ayaa intaa ku daray in shaqaale waynaha Dawan Media Group in ay ka mid yihiin shaqaalaha Wasaaradda oo ay u tirsan yihiin madaxda Wasaaradda. “Qof marka la qayilayo qurux badan oo soo labista oo hadal ka shaqeeya marka la shaqaynayana hurda, annagu meel uma hayno. waxaanu dhisaynaa oo aanu ka shaqaynaynayaa horumarkiisa ka wax dhisaya ee qarankiisa u shaqaynaya.annagu waxaanu is lahayn bahda Dawan iyaga ayaa iska saaray wasaaradda laakiin haddii aad ogoshihiin oo  aad ka mid tihiin annagana waad noo tirsan tihiin.”

Wasiirku wuxuu kulankaasi kaga dhawaaqay in wasaaradu ay baabuur Noaha ah oo ku jiray dalabkii masuuliyiinta DMG loogu soo iibiyo laba maalmood gudahood.

Waxaa kale oo iyaguna kulankaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Warfaafinta  Md. Maxamed Axmed Aadan, Wasiir ku-xigeenka Md.  Guuleed Cabdi Xasan,Agaasimaga guud ee wasaaradda  Md. Axmed Abokor Axmed, Maareeyaha TV-ga qaranka  Md. Khadar Maxamed Cakuule,   Maareeye ku-xigeenkiisa Xuseen Faarax(Caddaani), kuwaasi oo ka hadlay dedaalka masuuliyiinta wasaaradu ugu jiraan inay tayeeyaan shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda. Waxaanay ka jawaabeen soo jeedimihii ka soo yeedhay xubno ka mid ah shaqaalaha DMG oo kulankaas ka hadlay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply