Kalluunka Iyo Noolaha Badda Oo Noqday Xayawaanka Ugu Badan Ee Nolosha Lagu Cuno

0
451

Waxa adduunka ka jira makhaayado caan ku ah in nolosha lagu cuno xayawaanka. Arintan oo ka soo bilaabantay Bariga Aasiya ayaa usoo gudubtay waddamada Galbeedka. Xayawaanada nolosha lagu cuno waxaa ugu badan kuwa badda ee seafood loo yaqaano.

“Waxaa dood badani ka taagnaan jirtay in xayawaanka iyagoo nool la kariyo sida aargoosatada oo kale, iyadoo sababta sidaa loo samaynayey ay ahayd in iyadoo isku dhan miiska la soo saaro, laakiin hadda waxaa la marayaa in nolosha lagu cuno” Sidaa waxa yidhi nin ka mid ah dadka u dooda xuquuqda xayawaanka.

Dadka jecel inay wax nool cunaan ayaa ku doodaya in aanay u dhadhameyn haddii aanu nooleyn. “Waxaan aad u cunaa octopus ama fara badanta iimana dhadhanto haddii aanay nooleyn oo aanay i soo eegeyn,” Waxaa sidaa ku dooday nin reer Kuuriya ah oo qabatimay inuu nolosha ku cuno xayawaanka badda.

Dalka Hindiya magaalada Hyderabad, waxa isugu yimi kumanaan qof oo qaba xanuunka asmada ama neefta, dadkaas waxay nolosha ku cuneen kalluunka loo yaqaano Sardiinka oo ay rumeysan yihiin in haddii nolosha lagu cuno lagaga dawoobo xanuunka neefta.Waxay wax badan dhakhaatiirtu ka digaan cunista hilibka caydhiin.

Dalka Taiwan oo caan ku ah inay caydhiinka ku cunaan kalluunka ayaa waxa ugu badan xanuunada dadkooda soo rida ee Diphyllobothriasis oo ah xanuun ku dhaca beerka iyo maqaarka, waxaana keena hilibka caydhiin.

Louis Cole oo Ingiriis ah ayaa soo geliyey youtube isagoo cunaya kalluun nool taasina waxay keentay in dacwad lagu soo oogo, isla markaana dad badan ayaa ugu hanjabay inay dili doonaan iyagoo sababtana ku sheegaya inuu xayawaan nolosha ku cunay. Laakiin Louis wuxuu ku doodayaa inay jiraan makhaayado badan oo lagu cuno xayawaanka nolosha magaalada London, ha dacweeyeen makhaayadahaas ayuu yidhi Louis oo la yaabanaa waxa loo haysto.

 

 

Leave a Reply