Kumanaan lagu Daldalay Xabsiyo Suuriya ku Yaalla

0
288

Dad tiradoodu ay gaadhayso 13,000 oo ruux oo u badan shacab taageersan mucaaradka ayaa si qarsoodi ah loogu dilay xabsiyo ku yaalla Suuriya, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqda ee Amnesty International.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in daldalidda dadkaas tirada badan ay todobaad kaste ka dhici jirtay xabsiga Saydnaya intii u dhaxaysay September 2011 iyo Desember 2015.

Amnest waxay sheegtay in eedaymahaas dilka ah ay soo amri jireen masuuliyiinta ugu sareeya ee Dawladda Suuriya.

Dawladda ayaa horay u diiday in ay dad laysay ama ay si xun ula macaamishay maxaabiis.

Si kastaba ha ahaatee khuburo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor sheegay in dad goobjoogeyaal ah iyo macluumaadyo kale oo la aruuriyay ay tilmaamayaan in tobanan kun oo ruux la xidhay “dil tiro badanna” uu ka dhaco xabsiyada.

Hay’adda Amnesty ayaa waraysatay 84 ruux oo ay ka mid yihiin dad horay u waardiyayn jiray xabsiyada, maxaabiis hore, iyo saraakiil hore oo xabsiyada ka shaqayn jiray.

Waxay sheegtay in in todobaadkaste ama badanaa labadii todobaad ee kastaba in meel qarsoodi ah oo waqooyiga Dimishiq ku taala in lagu daldali jiray 20 ilaa 50 ruux.

 

Leave a Reply