Walaac ka Dhashay Hadalkii Trump ee Putin

0
256

Kooxaha xuquuqda aadanaha, sharci dejiyeyaal iyo Jeneraalo iyo Safiiro hore oo Mareykan ah ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin sida madaxweyne Trump uu u difaaco madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Wareysi uu axaddii siiyey Taleefishinka Fox, ayaa Donald Trump waxa uu mar kale ku celiyey sida uu u xushmeeyo Putin. Markii weriye Bill O’Reilly uu Trump ku yidhi in Putin uu yahay ‘dilaa’, Trump waxa uu ku jawaabay “Waxaan anagaba leenahay dilaayaal badan. Ma waxaad u maleyneysaa, in waddankeenu aanu waxba galabsan?”

Agaasimaha barnaamijka Mareykanka ee hay’adda Human Rights Watch, Maria McFarland ayaa VOA u sheegtay inay ka walaacsan tahay hadallada Trump ee ku aadan Ruushka.

“Waa hadal yaab leh, hase yeeshee Trump waxa uu weligiis ahaa qof hoos u dhiga ku xadgudubka xuquuqda aadana ee dowladda Ruushka, waxaan aragnaa in Ruushka ay dambiyo dagaal ka galeyso Suuriya.” ayey tidhi.  Hogaamiyaha sare ee Senate-ka Mareykanka Mitch McConnell oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku gacan seydhay is bar-bar dhiga Trump ee Ruushka iyo Mareykanka. “Marnaba uma howlgalno si la mid ah dowladda Ruushka” ayuu yidhi McConnell.

Leave a Reply