Shirkadda TELESOM oo ku Dhawaaqday Qorshe Hor Leh oo ay ku Mijo-xaabinayso Go’aankii Xukuumadda

0
263

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa bilowday tallaabooyin  ay ku carqaladeynayso  go’aankii xukuumadda ee la xidhiidhay in la xidido oo ay  seerfarkooda  Zaadka ka saaraan  wixii ka yar $100.

TELESOM waxay isku dayaysaa  inay hoos u dhigaan lacagta adag ee  muwaadiniinta  qurbaha ku nooli ay eheladooda u  soo diraan, waxaanay awooda saaraysaa in lacagta adag  ee doolarku ku dhacdo   adeegooda  ZAAD-ka oo lagu tilmaamay inuu ka mid yahay  tiirarka ugu waaweyn ee dhaliyay sicir-bararka iyo sarif bararka is barkan ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkadani waxay qaaday barnaamij ay ku sii ballaadhsanayso nidaamka lacagta lagu xawilo Telefoonada gacanta (Mobile Money), oo ay daboolka ka qaaday  inay qiime dhimis ku sameysay  khidmada lacagaha dibada laga soo diro ee lagu  xawilayo Zaadka. “Zaad Services wuxuu kuugu bushaareynayaa in qiime dhimis ballaadhan laguugu sameeyay khidmada xawaaladda dibadda. Marka aad ka dirayso Mobile-kaaga,”ayaa lagu yidhi Fariin shirkadda TELESOM ay u dirtay macaamiisheeda Salaasadii toddobaadkan.

 

Tallaabadani waxay hordhac u tahay facaa’ilka TELESOM ku doonayso inay ku dhicisayso qorshihii xukuumadda ee suulinta sicir-bararka. Waxase ay kiishash waaweyn oo hor leh  ay u tolatay  inay urursato xadiga ugu badan ee lacagaha dibada laga soo xawilo oo haddii wadanka ay soo gaadhi lahayd wax ka bedali lahayd baahida doolarka ee suuqyada ganacsiga ka jirta.

Guddidii Madaxweynuhu u saaray xakamaynta sicir-bararka, ayaan la garanaynin asbaabaha ay indhaha uga qarsanayaan inay farta ku fiiqaan xeeladaha TELESOM kaga soo horjeedo meel-marinta go’aamadii xukuumadda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply