Xildhibaan Jawaab ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Eng. Maxamed Xaashi

0
263

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa soo dhaweeyay heshiiska xukuumaddu la gashay dalka Imaaraadka Carabta ee saldhiga milatari ka samaysanaya madaarka Berebera.

Siciid Maxamed Libaaxo oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in Somaliland uu faa’iido u leeyahay saldhiga Milatari ee madaarka Berebera laga siiyay dawladda Imaaraadka Carabta, hadday tahay xaga dhaqaalaha iyo siyaasadaba, waxaanu u soo jeediyay mucaaradka in aanay ka hor iman wixii dalka horumar u keenaya.

Xildhibaan Siciid isaga oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu ydhi “Faa’iido mooyee khasaare inoo keeni maayo hadii saldhig milatari dalka Imaaraadka laga siiyo madaarka Berbera, waayo dhinac walba waa laga eegay, wax dhibina kuma jiryo siyaasiyan, waxaana laga yaabaa in aqoonsigii Somaliland soo dhawaado ee inta badan aan rajaynaynay, waana aan soo dhawaynayaa in saldhig milatari Imaaraadka laga siiyo madaarka Berbera, waana mid Somaliland faa’iido ugu jirto haday tahay xaga dhaqaalaha iyo xaga siyaasadaba.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Maxamed Xaashi iyo Xasan Guure oo ka mid ah kooxda sharcidarada ah ee la baxday madasha wada-tashiga, kuwaasi oo si indho la’aana uga hor yimid heshiiska in saldhig milatari Imaaraadka laga siiyo madaarka Berbera, waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay Maxamed Xaashi Cilmi ha israacdo wanaagii lagaa sheegi jiray ee ahaa in aad ka mid ahayd asaasayaashii SNM iyo ragii dhidibada u taagay Somaliland, waxaana aan leeyahay Maxamed Xaashi ha kaa muuqato hadaad tahay nin qaran, Xasan Guurana cid baan xil u dhiibin oo muddo dheer ayaa ugu danbaysay xil loo dhiibo, waabu aamusi lahaa hadii xil loo dhiibo, waxa kale oo jira rag badan oo cadho ka hadlinayso oo xifiltan hayo oo taas qaranka u duminayaan, xisbiga Waddani waxa aan leeyahay ha qodax qaadanina hadaad kursiga fadhiisataan oo booraan hadimo ha qodina in aad ku dhici doontaan moyaane, Xisbiga Ucid na wuu ogolaaday in heshiis xukuumaddu la gasho dalka Imaaraadka waayo danta qaranka ayay ka fikirtay. waayo wax yaabaha qaar ayaa reeban, waana hawl qaran mucaarad iyo muxaafid ba in meel looga soo wada jeedsado ayaa muhiima wixii qaranka horumar u keenaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply