Haweenay Maksikaan ah oo Maraykanka laga Masaafuriyay

0
306

Haweenay Maksikaan ah oo dalka Maraykanka ku noolayd tan iyo markii 14 jir ahayd ayaa loo masaafuriyay Maksiko, sida ay saraakiisha socdaalku u sheegeen BBC.

Todobo ruux oo mudaaharaadeyaasha ka mid ah ayaa habeenimadii lagu xidhay bannaanka laanta socdaalka oo haweenaydaas lagu hayay

Guadalupe Garcia de Rayos oo 36 jir ah oo labo ilmood ku dhashay gudaha dalka Mareykanka ayaa laga gudbiyay xadka Arizona.

Mudaaharaadeyaasha ayaa isku dayay in ay hor istaagaan oo xayiraan gawaadhidii waday haweenayda, balse way ku guuldaraysteen.

Habeenimadii Arbacada ayay dad mudaaharaadaya oo ka baqaya in haweenayda loo masaafurinayo qorshihii madaxweyne Donalad Trump isku dayeen in ay xanibaan gaadhigii lagu tuhunsanaa in uu wado de Rayos.

Wuxuuna ka mid ahaa gawaadhi dhawr ah oo lagu hor istaagay in ay ka baxaan waaxda socdaalka.

Jaqueline oo ah gabadh ay dhashay haweenaydaasi oo shir jaraaid qabatay markii lagu dhawaaqay in hooyadeed la masaafuriyay ayaa tiri “in aan hooyaday ku arko gadhigaas wax aan la aqbali karin ayay ahayd, xaqiiqadii waxay ahayd niyad jab”.

“Qofna ma aha in uu taabto xanuunka ka dhalanaya in hooyadii laga kaxeeyo, amaba uu boorsadeeda u diyaariyo” ayay tiri gabadha ay haweenaydaasi dhashay oo 14 jir ah.

Warbaahinta Maraykanku waxay ku warameen in de Rayos lagu xiray hawlgal 2008 laga fuliyay goobteeda shaqada laguna helay xatooyo aqoonsi, haysashada waraaqo been abuur ah.

Laakiin waxaa loo ogolaaday in ay ku sii noolaato Arizona, iyadoo lixdii billoodba mar baadhayaaan waaxda socdaalka iyo canshuuraha ee gobolkaas. ayay warbixintu intaas ku sii dartay.

Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa mudaaharaad dhigay, iyadoo badankoodu ay halqabsiyo ka dhigteen “caddaalad”.

Booliisku waxay sheegeen in ay xidheen todobo ruux iyagoon “awood adeegsanin” dadka badankooduna ay si nabadgalyo ah u qabsanayeen xaqa ay u leeyihiin in ay dareenkooda cabiraan.

Leave a Reply