Tuulo u Heellan soo dhawaynta Qaxootiga

0
282

Tuulo yar oo ku taal miyiga koonfureed ee gobolka Manitoba, ee dalka kanada, ayaa sheegtay in ay rajaynaso in uu soo gaadho gargaar lagaga taakulaynayo dadka ku soo qulqulaya ee qaxootiga ah.

Dowladda hoose ee Emerson-Franklin ayaa isu diyaarinaysa in ay qaabisho dad badan oo kale oo si sharci darro ah uga soo tallaabaya soohdinta kanada iyo Maraykanka.

Dabayaaqada todobaadkii hore waxa xadka ka soo tallaabay 22 qof.

Tuuladan yar oo ay ku nool yihiin qiyaastii 700 oo qof ayaa waxay ku taalaa waddo wayn oo isku xidha laba gobol, waxaanay la daalaa dhacaysay labadii sannadood ee la soo dhaafay tirada dadka ku soo qulqulaya ee magan gelyo doonka ah.

In kastoo madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Donald Trump, uu meel adag iska taagay dadka soo galootiga ah, hadana dadka soohdinta woqooyi ka soo gelaya dalka isha sidaa looguma sii hayo.

Ra’isal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, ayaa warbaahinta dunidu aad u hadal haysay ka dib markii uu aqbalay ku dhawaad 40,000 oo qaxooti ah, isla markaana sheegay in dalkiisu soo dhawaynayo dadka ka qaxaya dagaalka iyo ciqaabta.

Waxay markii u horraysay labada hogaamiye ku kulmi doonaan Washington Isniinta.

Aroornimadii hore ee Sabtida ayaa iyagoo raadinaya 19 qof oo habeennimadii ka soo talaabay xadka, waxay laanta ilaalada xuduuda ee kanada ka codsatay dowladda hoose ee tuuladaa in ay hoolalka adeegga bulshada u furan dadkaa si ay si ku meel gaadha hoy uga sii dhigtaan, dadka magaalada ku dhaqannina waxay dadkaa qaxootiga ah siyeen cunto, shaah iyo busteyaal.

“Waxaanu sidan u samaynaynaa waa niyad samaan” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee Emerson oo la yidhaa Greg Janzen, laakiin wuxu intaa ku daray in aan tuuladan yari awoodi karin in ay qaabisho dad tiro badan.

Leave a Reply