Howlgal Amni oo ka Bilowday Bakistan

0
285

Dowladda Bakistan ayaa sheegtay inay dagaalyahanno mintidiin ah ku dishay howlgal ay fulisay ka dib weerarkii 72-Ka qof lagu dilay.

Dualimada suufaiyada ee ala bartilmansadey aya ku soo laaabatay goobtii weerarka ba’ani ka dhacay malin kadib iyaga oo dhegaha ka fureystay haanajaabadii  ururka Daacish oo iyagu  weerarka  ku qaaday boqollaal qof oo ku sugnaa qabri.

Qiyaastii 18 jihaaddoonayaal ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Koofurta gobolka Sindha, halkaas oo ah meesha uu ku yaallo qabriga ay siyaaranayeen Suufiyada la qarxiyay.

In kabadan 13 kale ayaa lagu dilay Woqooyiga Galbeed ee Bakistaan, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Qarax ka dhacay masaajid caan ah oo ku yaalla Koonfurta Bakistan ayaa dilay ugu yaraan 72 ruux, sida ay booliisku sheegeen.

Qofka qaraxa gaystay ayaa isku qarxiyay dad Suufiyo ah oo ku cibaadaysanayay magaalada Sehwan ee gobolka Sindh, sida ay booliisku sheegeen.

Rai’salwasare Nawaz Sharif ayaa cambaareeyay qaraxaas, kaas oo ay sheegteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Waa qaraxii ugu waxyeelada badnaa ee ay sheegtaan Dawladda Islaamka, Talibanka Bakistan iyo malayshiyooyinka kale ee dhaca muddooyinkii u dambeeyay.

 

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay uu miino tuuray ka dibna isku qarxiyay dadka suufiyada ah oo xadraynaya, sida ay ku warrantay warbaahinta deegaanku.

“Waxaan arkay maydad meel walba yaalla, waxaan arkay maydadka haween iyo carruur” nin ayaa sidaa u sheegay warbaahinta gudaha.

Sawirro laga qaaday gudaha goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhulkii oo dhiig qariyay, iyadoo ay daadsan yihiin dhar iyo kabo sandal ah.

 

Leave a Reply