Robert Harward oo Diiday in uu Kaaliyaha Ammaanka u Noqdo Trump

0
301

Qof  uu madaxweyne Donald Trump u doortay in uu noqdo kaaliyihiisa Ammaanka Qaranka ayaa diiday shaqadaas.

Robert Harward oo ah sarkaal hore oo ciidammada Maraykanka la soo shaqeeyay ayaa si wayn loola xidhiidhiyay jagadan ka dib markii uu Trump shaqada ka eryay Michael Flynn Isniintii.

Sarkaal Aqalka Cad u hadlay ayaa sheegay in Harward uu u cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maaliyadeed, laakiin warbaahinta Maraykanku waxay ku warrantay in uu doonayay in uu kooxdiisa keensado.

Flynn ayaa marin habaabiyay madaxweyne xigeenka  dalka Maraykanka Mike Pence markii uu la waadaagay macluumaadka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka.

Caqabadan ayaa soo baxaysa saacado uun ka dib markii Trump uu diiday wararka ay tabiyeen warbaahinta ee ku aadan in jahwareer uu ka taagan yahay Aqalka Cad, wuxuuna ku adkaystay in maamulkiisu uu si wanaagsan hawsha u kala wado.

 

 

 

Leave a Reply