Doodii ugu Adkayd oo Shalay Lagu Falan-qeeyay Saameynta Heshiiska Saldhigga Millatari ee Dawladda UAE ay ka Samaysanayso Berbera

0
278

Hargeysa (Dawan)- Barnaamijka dooda ah ee  la yidhaahdo ‘Waxay ila tahay’ ee ka baxa laanta Afka-soomaaliga ee BBC-da, ayaa  shalay lagu falan-qeeyay  heshiiska saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Berbera. Waxaa dood adag oo xiiso badneyd ku dhex martay Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha wakiillada ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Waxa kale oo  doodaas ka qaybgalay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo  Dr. Maxamed Cabdi oo labaduba ahaa aqoonyahanno ka soo horjeeda qaddiyada madax-bannaanida Somaliland isla markaana naqdiyay heshiiska Somaliland ku bixisay saldhigga Millatari.

Wasiir  Maxamuud Xaashi Cabdi  oo   ugu horrayn sharraxayay heshiiska lagu aasaasayo saldhigga Millatari ee ay wada-galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waxa uu yidhi, “Heshiiskani waxa uu xoojinayaa  amniga iyo nabgelyada  guud ahaan mandaqada  gaar ahaan marin biyoodka   badda cas  ee Somaliland, amniga ayuu  wax ka tarayaa  wuxuu wax ka tarayaa  dhaqaalaha iyo horumarka dalkan,  waanan kiraynaynaa saldhigan, mashaariic ayaa naloo qabanayaa oo la fulinayaa  oo waawayn  oo laf dhabar dalka u noqon doona, wuxuu maalgalinayaa mashaariic kale   iyo maalgashiyo waawayn,   siyaasadda xukuumadanina  waxa weeye in aanu dalkan  u abuurno  saaxiibo  dhaqaale iyo ganacsi, waxa  Somaliland  u soo kordhinayaa saaxiibo  cusub, waxa uu abuurayaa dano caalamiya  oo kor u qaada siyaasadda qarankan.

annagu waxa aanu nahay dal dimuqraadiya oo tusaale Afrika u ah. labada gole ee sharci dajinta ayaanu hor-gaynay heshiiskan, wadamada nagu xeerana saldhigyo millatari ayaa ka jira, mid baarlamaan la geeyayna  ma jiro. annaguna ma lihin in golayaashu ka doodaan iyo in   ay diidaan  iyaga ayaa  xaq u  leh maanu afduubin cidna maanu muquunin cidna maanu jujuubin, waxa aan maqlayay xildhibaanno ayaa lagu xadgudbay, xeer ayay golayaashu leeyihiin lagu maamulo,  mudanuhuna waxa uu xaq u leeyahay doodiisa in uu dhiibto, manaan faro-galin geedi socodkii  shirka  guddoomiyihii   shirka guddoominayay oo xeerku siiyay  in uu fadhiisiyo  ciddii ku xadgudubta   shirka ayaa guddoominayay, toban xildhibaan  xaq uma laha  in ay afduubaan inta kale intii Cabdiraxmaan hor kacayay  ayaa doonayay in ay afduubaan shirka  golaha  aqlabiyadu  waxa ay ahayd  intii codaysay.”

 

 

Wasiirka Madaxtooyadda oo la weydiiyay sida uu u arko in Soomaaliya ay dawladda imaaraadka ka dacwaynayso jaamacadda carabta, waxaanu yidhi  “Annagu   kuma    jirno    dawladda    Federaalka   Soomaaliya, waxa aanu nahay dal madaxbannaan  shan iyo labaatan sanno ayaa Soomaali kala maqan tahay, haddii talabaadaas Soomaaliya ku kacaan waa godob, waa utun iyo arrami horleh oo Soomaali la  sii dhex dhigayo, waanu  ka digaynaa, waanu u caqli celinaynaa,  waxa aanu nahay ummad madax-bannaan oo xaq u leh in ay  dhisanto, iyagu (Soomaaliya) saldhig  ayay  bixiyeen  oo Turkey  ayaa degan,  dekedoodii ayay dhisteen.  caqliga odhanaya  idinku waxba ha dhisanina  iyo cid waxba lama geli kartaan  waa caqli Soomaali kala durkinaya, waa ka digaynaa, waxay  khilaafsan tahay  heshiiskii ay kala saxeexdeen   madaxweynaha Somaliland  iyo madaxweynihii hore  ee Soomaaliya   ee ay ku galeen Jabuuti  ee ahaa in aan la carqaladan arrimaha horumarka iyo mashaariicda, nasiib darro walaaladayo xisbiga Waddani  ee Cabdiraxmaan ka mid yahay waa la mowqif dawladda Soomaaliya.”

 

“Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay ragga u sharaxan hoggaaminta dalkan (Somaliland),  waana in uu ixtiraamo aqlabiyada golayaasha uu mid ka mida madaxda ka yahay, waana ku waajib arrintaasi.  waana dhaliilayaa in uu doodii ka baxay isagoo guddoomiyhii golaha wakiillada ah, berri ka maalina haddii natiijada doorashada laysku qabto  ma sidaas ayaa loo murmayaa,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

 

Murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI,ahna guddoomiyaha golaha wakiillada  Md. Cabdiraxmaan  Maxamed  Cabdillaahi  (Cirro) oo isaguna aragtidiisa  ka dhiibtay doodaas, ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan u arkaa cawaaqibka saldhigani in aanu Somaliland  saaxiibo u keenayn  oo  aanu nabadgelyo u keenayn ee uu nabadgalyo    xumo u keenayo  Somaliland,  saldhigani wuxuu cadaw badan u samaynayo Somaliland oo  diyaarada  ka kacda Berbera ee Yemen duqaysaa ay jawaabi ka iman doonto aan ka farxin shacabka Somaliland oo qaranimada Somaliland halis ku noqon doonta.”

 

Prof. Cabdi  Ismaaciil   Samatar  iyo  Dr. Maxamed Cabdi ayaa iyaguna  doodooda ka dhiibtay sida ay u arkaan heshiiska xukuumaddu  la gashay Imaaraadka Carabta  ee saldhigga milatari kaga samaysanayaan  magaalada Berbera, waxaanay aaminsanaayeen inuu saameyn taban ku yeelan doono Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply