Tahriibayaal Xoog Adeegsaday

0
306

Boqollaal qof oo tahriibayaal ah ayaa xoog ku galay dalka Isbeyn shalay subax, waxayna ka tallaabeen xuduudda Marooko.

Dadkaas oo gaadhay  deeganka  la yidha Ceuta  oo dhul ahaan dhacda Afrika balse ka mid ah Isbeyn ayaa waxay ka tahriibeen Woqooyiga Afrika. Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa dhaawacmay, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP.

Laamaha gurmadka degdegga ah iyo booliska waxay sheegeen in la daaweynaayo dadka dhaawacmay.

 

Dadka xoogga ku galay Isbeyn  ayaa lagu qiyaasayaa 500 oo qof oo ay u suuragashay inay dalkaasi Yurub ku yaalla ay cagta saaraan.

Laamaha gurmadka waxay sheegayaan in ciidamada amniga ay dhaawaceen dadka badankooda.

Waxaa soo baxaya sawirro muujinaya qaar ka mid ah Tahriibayaasha oo dhulka dhunkanaya, ka dib markii ay Isbeyn  gaadheen.

In ka badan 300 oo qof ayaa illaa iyo hadda la caawiyay, halka kuwana ay sugayaan in la caawiyo.

Bishii Desember waxaa la arkay qiyaastii 400 oo qof oo isku deyay inay xoog ku dumiyaan xeyndaamka xuduudda ee u dhexeeya Isbeyn iyo Moroko.

Waxaa la sheegaa in kummannaan tahriibayaal ah ay xadka ku sugan yihiin, kuwaas oo sugaya inay mar un u tallaabaan dhanka Spain.

Deegaanada yaryar ee Ceuta iyo Melilla waxay ku yaallaa dhanka woqooyiga Moroko ee badda Mediterranean.

Waa meesha keli ah ee xuduud dhul ah Yurub kala leedahay Afrika.

 

Leave a Reply