Yaa Soo Diray Fariintii Xooga Badnayd?

0
286

Xagaagi Bishii August 15th, sanadkii 1977 warlaliye ay lahayd Jaamacadda Ohio ee Maraykanka waxa soo dhex galay fariimo ka soo dhacayay radio kale , waxayna fariintaasi socotay 72 ilbidhiqsi. Ma jirto cid si gaar ah u garanaysaa goobta ay fariimhaasi ka soo baxayeen, waxaana loo bixiyay fariintaasi oo aan la fahamin fariinta Wow.

Fariintan ayaa la sheegay inaan mar danbe la maqal. Waxaana culimada qaarkood sheegeen in tilmaamahan ay yihiin kuwo loo sameeyay oo si ul kac loona soo diray, laakiin haddana aqoon yahano baadhid ku sameeyay ayaa tilmamay inay ahayd 2.2 GW, taasi oo aad uga xoog badan dhamaan baahinta war laliyayaasha dunid guudkeeda yallal oo dhan. Waxaana ay intaasi ku dareen inay noqon karto fariin ka timi xadaarad inaga horaysa ama mere kale.

Inkasta oo si weyn la isugu deyay in la xaqiijiyo haddana weli 40 sano ka dib lama garanayo goobta ay ka soo baxday fariintan xoogga badan ah.

Leave a Reply