Bank Ardayda Dayn Ku Siinaya Derejada Imtixaanka!

0
264

Dugsiyada sare “Nanjing No 1 High School” ee dalka Shiinaha ayaa sameeyay firkad cusub oo ah inay sameeyeen Baank ardayda amaah ahaan u siinaya derejooyinka imtixaanaadka. Laakiin sida baananka lacagta ee caadiga , markay amaahda bixiyaan ay muddo u qabtaan lagu soo celiyo iyo weliba faa’iido ayuu baanka sidaasi isticmaalaya.

Ardayga ayaa laga rabaa inuu imtixaanka derejooyinkii uu dansaday ku bixyo mudada loo qabtay, iyadoo weliba laga rabo derejada la amaahiyay mid ka badan inuu keeno oo ah faa’iidada la saaray, Tusaale ahaan haddii la siiyay derejada 59%, imtixaanka danbe waa inuu keeno 60%. Macalimiinta aya fikradan soo jeedisay ka dib markii ay daraasad sameeyeen.

Sida u sheegay macalinka Huing Mou oo dhiga maadada Physics baankani wuxu ardayga siinaya fursad aanu kaaga niyad jabin waxbarashadiisa . Waxaan uu sheegay in aanay waxb u dhaxayn 59% iyo 60% tiro ahaan, laakiin uu wax weyni u dhexeeyo marka la eego niyadda iyo nafsaaniyadda Aradayda , kana badbaadinaysa dhicitaanka ardayga iyo niyad jabka.

Ardayda ayaa iyagun soo dhoweeyay fikradan oo bilaabanaty bishii Decemebr 2016. ila haddana wuxu dayn derejooyinka ah siiyay ardayda dhan 13 arady. Maamulaha dugsiga Hwang ayaa cadeeyay inay arintan u sameeyeen si kor loogu qaado aqoonta iyo niyadda ardayda. Bulshada ayay ku qaybsan jiritaanka Baanka iyagoo qaarna soo dhoweeyay, qaar kalena dhaleeceeyay.

 

 

 

Leave a Reply