Deeq Raashin ah oo la Gaadhsiiyay Deegaanno ka Tirsan Buuhoodle

0
294

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee  gobolka Buuhoodle, Saleeban Cabdi Xuseen (Dhegaweyne) iyo xubno ka mid ah guddida abaaraha ee heer gobol ayaa Deeq Raashin ah gaadhsiiyey dadka jilicsan ee ku dhaqan Gobolka Buuhoodle.

Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Saleebaan Cabdi Xuseen (Dhegaweyne ) iyo Eng Maxamed Xaaji Xasan oo ka mid ah gudida abaaraha ee Buuhoodle ayaa deeqdan raashinka ah ka guddoomay guddida abaaraha ee heer qaran, waxaanay gaadhsiiyeen lix goobood oo loogu talogalay deeqdan.

Xildhibaan Saleebaan Cabdi Xuseen (Dhegaweyne) ayaa khadka telefoonka ugu waramay wargayska Dawan,  isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle, waxaanu  yidhi ”Ugu horreyn anigoo ku hadlaya magaca gobolka Buuhoodle bulshada ku dhaqan mahad alle ka sokow waxaan u mahadcelinaynaa gudida abaaraha heer qaran oo markii ay eegeen gobolkayaga noo qoondeeyey inay noo soo dhiibaan raashinkan caawimada ah,  kaas oo ka kooban 840 qoys oo ku qoondeysan 6 magaalo oo hoos yimaada caasimada gobolka Buuhoodle, waxaana ay ahayd qoondadani mid gudida abaaruhu go’aaminteeda iska lahaayeen, anaguna gaadhsiinta  goobaha ee tirada raashinka mid weliba leedahay uu waajibkayagu ahaa, taas oo ahayd 6 magaalo oo kala ah sidan, Dhilaalo 153 qoys, Caroweyn 140 qoys, Horufadhi 150 qoys, Xaadhadhan 140 qoys, Sooljoogto 140 qoys, Xamar lagu xidh 140 qoys, raashinkaas sida ilaahayna markhaati ka yahay warbaahintuna goobjooga ka tahay waxaanu gaadhsiinay sidii ballantayadu ahayd.”

Eng, Maxamed X. Xasan oo ka mid ah gudida abaaraha ee gobolka Buuhoodle oo isaguna u waramay wargeyska Dawan, waxaanu yidhi ‘Waxay gudida abaaraha ee heer qaran ay noo soo dhiibeen raashin dhan 840 qoys oo sida ay u soo qoondeeyeen 6 magaalo u soo calaamadiyey, kuwaas oo ka mid ah deegaanka hoos yimaada Buuhoodle, anaguna inaanu gaadhsiino ay noo soo wakiisheen, waxaanuna sida ay balantayadu ahayd aanu gaadhsiinay waxgaradkii iyo odayaashii goobahaa lixda gobol ah, anagoo weliba goobjoog ka ahaan doona ilaa iyo u qaybinta dadka maanta mudan in loo gargaaro.’

Waxaana  Sida ay warbaahintii goobjooga ka ahayd laga dheehday kala wareejinta raashinkaa si muuqaal ah oo ay kaga jawaabceliyeen odayaashii iyo waxgaradkii goobahaa oo ay qolo waliba ka markhaati furaysay tirada ay u qaadeen raashin ahaan iyo magaalada ay u qaadeenba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply