Rafael: Basaasadii Shirqoolka Badneyd!

0
384

Basaasadaa Rafael waxay qayb ka qaadatay sidii loo khaarajin lahaa xubnaha sida rasmiga ah uga danbeeyay isla markaana hogaaminayay hawlagalkii Munich kaasi oo u dhacay  sidan :

Bishii Septemebr 6, 1972 , saacadu markay ahayd 4:30 subaxnimo ka dib markii ay soo urursadeen hubkii iyo rasaastii ay u baahnaayeen ayay  sideed ka mid ah ciidanka black September ee Falastiin  ka boodeen dayrkii ku xeernaa dhismayaashi ay degenaayeen ciyaartowga Olympic. Markiiba waxay galeen dhismihii ay joogeen kooxdii Isreal.

 

Ali Salameh oo hogaaminaay hawlgalka iyo Abu Daud ayaa dayrka debeda uga soo baxay si ayaa gaadh uga qabtaan haddii uu jiro weerar dhinaca debedda kaga yimaadda,  Markii ay debedda u baxeen kooxda ayaa dishay laba ka mid ah ciyaartowga Yuhuudda ahaa, iyo sagaal kalena madax furasho u qabsaday.

Laaakiin markii Cali Salaax iyo Abu da’wud ay gudaha ka maqleen rasaas waxay xaqiiqsadeen in arinku is bedelay isla markaana iyagu ay haystaan wakhti ay ku baxsadaan. Waxayna raaceen gaadhi meesha diyaar ugu ahaa isla markiibana waxay tegeen madaarka. Waxay raaceen dayuuradda Al-Italia flight taasi oo ay ku gaadheen Roma.

Baadhayaasha madaarka Roma waxay ku dhaafeen passport been abuur ah waxayna u gudbeen gudaha magaalada. Intaasi ka dibna Ali wuxu usoo duulay Beirut halka Abu-Dawud uu tegay Belgarde oo Yugoslavia ah iyo Caasimadad Romania ee Warsow halkaasi oo uu markii danbe uga soo gudbay Jordan, waxayna isku ogaayeen inay kala baydhaan oo mid dhinac ka soo galo bariga dhexe.

 

Ciidanka  Jarmalka ayaa iyana markiiba goobta yimi markii ay maqalay rasaasta u horaysay laakiin keliya u yimi inay fahmaan waxa dhacay oo aanay waxba ka dareensanyan.

Markii ay ogaadeen in ciyaartowgii Isreal ay yihiin la haystayaal waxay qiimanayeen xaaladda iyagoo u arkayay haddii ay weerar ku qaadaan in nolosha ciyaartowgu ay halis gelayso.

 

Dhanka kale waxay heleen xal ah inay wada hadal la bilaabaan kooxaha afduubka sameeyay. Agaasimaha Mosad Zvi Zamir ayaa isna degdeg ah u tegay Munich sii uga qayb qaato wada hadalka u dhexeeya Jarmalka iyo afduubayaasha.

Wuxu lahaa aqoon military oo xeeldheer , waxaana uu ahan jiray Taliyihii ciidanka galbeedka ee awoodda badan ee Israel , laakiin haba yaraatee waxa khibrad ah uma lahayn sida loola xaajoodo afduubayaasha. Inkasta oo Jarmalka laftigiisu uu si cad ugu sheegay in aanay u baahnayn wax kaalmo debadeed ah ayna ku filan yihiin.

Sidaas darteedna Zamir wuxu arimaha kala socday meel fog iyadoo wixii uu arkay ay ahaayeen waxaan gebi ahaanba lagu qancin.

Intii lagu jiray wada hadalka Jarmalka ayaa soo jeediyay in la siiyo afduubayaasha Dayuurada ay leeyihiin ciidanka Jarmalku oo geysa aduunyada meeshii ay doonayaan iyaguna ay sii daayaan ciyaartowga.  Xaqiiqdii may jirin Dayuurad laakiin waxay ahayd xeelad lagu badbaadinayay koooxdii afduubka loo haystay.

Laakiin Afduubayaashu way aqbleen dalabkaasi, waxayna raaceeen bas sii uu gaadhsiiyo dayuuradda. Nasiib daro intii dayuuradu uu ku sii socday ayay ciidanka Jarmalku rasaas ku fureen oo isku deyeen inay dilaan afduubayaasha, taasi oo keentay in iyaguna kooxdii ay afduubeen ku furan rasaastii , halkaasi oo ay ku dhinteen dhamaan ciyaartowgii iyo shan ka mid ah kooxdii afduubta.  La soco….

 

Leave a Reply