Jabuuti oo ka Hadashay Faa’iiddooyinka ay ka Heshay Saldhigyada Millatari ee Shisheeyah

0
322

Jabuuti (Dawan)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa faahfaahin ka bixisay faa”iidooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay ku qabo saldhigyada millatari ee ay dalkeeda ka siisay wadamada shisheeye. Sidaa waxa sheegay Dr. Ismaaciil Waceys oo ah la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Dr. Ismaaciil Waceys oo u warramayay laanta afsoomaaliga ee VOA-da wuxuu yidhi,   “Jabuuti waxa lagu yaqaanaa waa nabad-gelyo nabadda salkeeduna waa ciidammada badan ee jooga ee iyaga laftooda  ayuu  waajib ka saaran yahay  iyo difacidda wadanka.  ciidankayaguna hawshooda waa ay wataan waanay ku jiraan, qofkii ajaaniba ee doonaya in uu wadan maalgelin ku sameeyana waxaa ugu muhiimsan ee uu doonaya waa nabad-galyo.  waxaa marka koowaad uu u baahan yahayna waa nabad, Jabuutina waxaa lagu yaqaanaa waa nabadda, nabadeenana innaga ayaa ka wada hadalay wixii sal u ahaa, ciidammada ajaanibta ah ee jooga dalka Jabuuti mid aan safaarad aan ku lahayni ma jiro. Waxa dalku ka faa’iiday waxa u shaqeeya dad badan oo wadanka u dhashay oo fursado shaqo ayaa ka mid ah waxtarkiisa.”

 

Dr. Ismaaciil isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu  intaas ku daray “Sidaas oo ay tahay haddana waxaa inala jooga wax Alla wixii millatariga la socday ee siyaasad iyo diblamaasi ahaa ee danjirayaal ahaa ee ilaalinayayna ay inala joogaan oo taasina markasta laga wada hadlaa, xidhiidhkaasina uu yahay mid soo jireena oo gacanta lagu hayo” Waxa kaloo uu sheegay inay Somaliland ka faa’iidi doonto dhaqaale iyo shaqo abuur.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply