Maxkamadda Sare oo Go’aan Cusub ka soo Saartay Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

0
323

Hargeysa(Dawan)- Maxkamadda Sare ee dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa aqbashay  codsi Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga dalbaday 2-dii Bishan inay wax ka bedasho qaraarkeedii hore ee ay ka soo saartay wakhtiga ay qabsoomayso doorashadda madaxtooyadda iyo Golaha Wakiillada.

Maxkamadda sare waxay sheegtay inay wax ka bedal ku sameysay fiqrado ka mid ah qaraarkeedii hore ee fasiraada ahaa ee ka soo baxay 18.8.2015-kii. Maxkamadda sare waxay Golaha Guurtida ku boorisay inay waajibaadkooda ka qabsadaan muddo kordhinta xukuumadda Somaliland si waafaqsan soojeedinta Madaxweynaha  Somaliland oo waafaqsan dastuurka.

Qaraarkan oo xalay lagu baahiyay mareegaha wararka ee Internet-ka, waxa uu maxkamadda ka soo baxay 16-kii Bishan, waxaana  ku saxeexnaa  Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof. Aadan Xaaji Cali iyo afar xubnood oo ka tirsan xukaamta maxkamadaas.

Qaraarka Maxkamadda Distuuriga Ah Ee JSL

1-Maxkamaddu waxay aqbashay codsiga dib u eegista ee madaxweynaha Somaliland ee summadiisu tahay JSL/M/MD/100-4553/022017 kuna taariikhsnaa 02.2017 ee uu maxkamadda Distuuriga ah ee JSL kaga codsanayey in dib u eegis ku samayso qaraakeedii fasiraada ahaa ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ee ku taariikhaysnaa 18.08.2015

2-Maxkamaddu waxay wax ka badashay qaraarkii maxkamadda Distuuriga ah JSL ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ku taariikhaysnaa 08.2015.

3-Waxay tirtirtay farqadaha 1-aad iyo 3-aad ee qaraarka summadiisa iyo taariikhdiisuba kor ku xusan yihiin oo ka hadlayey in doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyo waliba golaha wakiiladu ay qabsoonto March 2017.

4-Waxay faraysaa in golaha guurtidu ay waajibkiisa Distuuriga ah ka guto kordhinta doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyada oo laga duulayo soo jeedinta madaxwaynaha Somaliland si dastuurka JSL waafaqsan.

5-Qaraarkan waxa loo cuskaday qodobada 97,98 ee dastuurka JSL iyo qod.15 XNG iyo 334 XHM.

6-Qaraarkani waxa uu soo baxay 16.02.2017.

 

1-Aadan Xaaji Cali   (Gudoomiye)

2-Maxamed Cumar Geelle  (Xubin)

3-Maxamed Faarax Siciid  (Xubin)

4-Cabdiraxmaan Jaamac Hayaa (Xubin)

5-Cabdiraxmaan Xasan Nuur(Xubin).”

 

Leave a Reply