James Carver oo Fadhi Baarlamaanka Yurub Yeeshay ka Dalbaday in la Aqoonsado Somaliland

0
260

Brussels (Dawan)-Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee  UKIP ee dalka Ingiriiska, ayaa Sabtidii toddobaadkan waxa uu Baarlamaanka Midowga yurub uu  kaga hadlay in midowga Yurub aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xusay inay u qalanto aqoonsi caalamiya.

James Carver, waxa uu sidaasi ku sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigii  Baarlamaanka Yurub oo ka hadlayay qaddiyada madaxbannaanida Falastiiniyiinta.

“Waxaan muddo dheer taageere u ahaa aqoonsi la siiyo dal kale oo islaam ah oo la yidhaahdo Somaliland oo u qalma in la ictiraafo. 3-dii Bishii September ee la soo dhaafay waxaan komishanka midowga Yurub u soo gudbiyay codsi ku wajahan in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, taasi oo aan u arko in la tixgeliyo,”ayuu yidhi Md. James Carver oo sharraxay siday Somaliland u istaahisho aqoonsi caalamiya.

Dalabka Xildhibaankaas waxa si isla fadhigaas ka soo dhaweeyay Guddoomiyaha xisbigiisa  UKIP oo la yidhaahdo Mr. Nigel Farage oo xubin ka ah baarlamaanka Yurub, waxaanu  Golahooda u soo jeediyay inay darsaan oo ayidaan aqoonsiga Somaliland.

Waa markii u horeysay ee baarlamaanka midowga Yurub lagu soo qaado Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo rubuc qarni ah raadinaysay aqoonsi caalami ah, iyadoo ay isa soo tarayaan diblomaasiyiinta iyo xildhibaannada dalalka adduunka ee saaxiibka la ah Somaliland

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply