Somaliland oo Jabuuti Kala Wareegtay Raashin Loogu Talogalay 12 Kun oo Qoys oo Abaaruhu Saameeyeen

0
316

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna  Guddoomiyaha guddida gurmadka  abaaraha ayaa deeq raashin ah oo ay soo dirtay dawladda Jabuuti kala wareegay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu deeqdaasi raashinka ah kala wareegay, wakiilka dawladda Jabuuti u fadhiya Somaliland, Xuseen Cumar Dawaalke, waxaana munaasibaddii lagula kala wareegay raashinkan lagu qabtay xarunta kastamka dhexe ee Hargeysa shalay. Deeqdaasi oo loogu talogalay dad gaadhaya laba iyo toban kun iyo siddeed boqol oo qoys.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay in deeqdan ay la wareegeen  ka kooban tahay siddeed kun iyo shan boqol oo  kaartoon oo  baasto ah, toban kun, afar boqol iyo shan iyo toban kartoon oo caano ah iyo boqol iyo konton taangi oo ah nooca biyaha  ah oo midkiiba qaadayo shan foosto. raashinka intiisa kalena laga soo iibin doono isaga oo isku dhammeystiran magaalada Berbera.

“Waxaan ka guddoomaynaa madaxweynaha Jabuuti, alaabtan uu soo direy ee ay ina soo gaadhsiiyeen deeqdani waxay iskugu jirtaa siddeed kun iyo shan boqol oo kun oo baasto ah, toban kun afar boqol iyo shan iyo toban kartoon oo caano ah iyo boqol iyo konton taangi oo nooca biyaha ah oo taangigiiba qaadayo shan foosto oo biyo ah. raashinkii kale oo isaguna Berbera yaalla oo isku dhan  waanu ka gudoomi doonaa waxaana  loogu talogalay 12 kun, Siddeed Boqol iyo Konton qoys.waxaannu  ballanqaadaynaa in dadkii dhibaataysnaa ee agabkan loogu talogaley aanu gaadhsiin doono,”ayuu yidhi kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

 

Safiirka  Jabuuti u fadhiya  Somaliland, danjire Xuseen Cumar Dawaalle, ayaa sheegay in dalalka Somaliland iyo Jabuuti uu ka dhaxeeyo xidhiidh walaaltinimo.  “Waxaan halkan u taaganahay in la idinku wareejiyo deeqdii uu soo direy madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo marwadiisa marwo Khadra Maxamuud Xayd, taas oo ay ugu soo deeqeen walaalahooda ay abaarta baahsani ku habsatay ee Jamhuuriyada Somaliland. Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jamhuuriyada Somaliland-na waa laba dal oo walaalo ah, waana dad wada dhashay waxaannu  Illaahay ka baryaynaa in abaarta ummada haysa uu ka dul qaado,”ayuu yidhi safiirka Jabuuti.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply