Ruushka oo NATO ku Eedeeyay inay Dagaal Qabow Wadaan

0
282

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka sergei Lavrov oo ka hadlay shirka amniga ee Munich ayaa beeniyay eedo loo jeediyay oo ah inay nabadda curyaaminayaan.

Dalalka reer galbeedka ayuu ku eedeeyay inay weli niyadda ku hayaan dagaalkii qaboobaa.

Wuxuu sheegayaa inay isku deyayaan inay isku ballaadhiyaan dhanka bariga Yurub.

Hadallkaas ayaa imaanaya ka dib markii, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence oo ka qeybgalaya kullanka amniga ee Munich uu  sheegay in Ruushka lala xisaabtamayo.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadda Moskow lagula xisaabtamo ficilkeeda bariga Ukrayn  iyo goosashada Crimea.

Khudbadii ugu horeeysay ee dibadda dalka Mareykanka uu ka jeediyo, Mr Pence wuxuu digniin ugu diray Ruushka.

Wuxuu u sheegay maamulka Putin inuu u hogaansamo heshiiskii nabadda ee 2015-kii laga gaadhay xaaladda dalka Yukrayn.

Balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in maamulka Mareykanka uu sidoo kale raadin doono xal kale oo Yukrayn laga gaadho.

Hadalkiisan wuxuu imaanayaa xilli Mareykanka ay ka socoto dood muran badan dhalisay oo ku saabsan in maamulka trump uu xiriir dhow la leeyahay Ruushka.

Dalalka Yurub waxay ka walaacsan yihiin in maamulka cusub ee Mareykanka uu saaxiib la noqdo Ruushka iyo madaxweynahooda Vladimir Putin.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa xulafada NATO u xaqiijiyay in xukuumadda Washington ay taageereyso Yurub.

Wuxuu qiray in “shaki la2aan” ay taageerayaan NATO iyo dalalka Yurub.

Hase yeeshee wuxuu ka dalbaday inay sare u qaadaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan difaaca.

Xilli sii horeysay, hogaamiyaha dalka Jarmalka, Angela markel, waxay codsatay in la sii wado wadashaqeynta caalamiga ah.

Waxay qirtay in isla shaqeynta oo keli ah lagu xallinkaro dhibaatada caalamka, sida qaxootiga, iyo “argagixisada”.

Madaxweyneha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay, intaanan la dooran ka hor, inuusan siiwadi doonin xiriirka NATO, wuxuuna tilmaamay inaysan dhaqaale fiican ku bixin difaaca.

Leave a Reply