Shiinaha oo Hakinaya Waxyaabaha uga Yimaad Kuuriyada Woqooyi

0
298

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu hakinayo dhammaan waxyaabaha looga keeno Kuuriyada Waqooyi.

Ujeedada ayaa ah in xukuumadda Pyongyang cadaadis la saaro, ka dib markii gantaal ay tijaaabisay.

Waxyaabaha Shiinaha uu joojinayo waxaa ka mid ah dhuxul Kuuriyada Wqooyiga ay ka soo dhoofsato.

Dhuxusha aadka u badan ee Kuuriyada Woqooyi ay Shiinaha u doofiso waxaa si ballaadhan ugu tiirsan dhaqaaleheeda xukuumadda Pyongyang oo cunnaqabateyn ay saaran tahay.

Waxaana suuragal ah dhaqaalahaas inuu yahay midka ay ku hormariso hubkeeda nukliyerka.

Sanadkii tagay, maamulka Shiinaha wuxuu sheegay in soo dhoofsiga dhuxusha uu joojin doono.

Waxay ogolaadaan oo keli ah qeyb ay sheegeen inay ugu daneynayaan shacabka dalka Woqooyiga Kuuriya.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintii Shiinaha ee dhaqaalaha waxay muujisay in dhuxusha laga soo dhoofiyo Kuuriyada Woqooyi ay sanadkii tagay sare u kacday boqolkiiba 12.

 

Leave a Reply