Nin loo Diiday Degganaansho oo looga Shakiyay Weerarkii Stockholm

0
272

Laamaha ammaanka ee dalka Sweden waxaa ay sheegen in nin u dhashay dalka Uzbekistan oo looga shakiyay in uu ka dambeeyay weerarkii baaburka loo adeegsaday ee maalintii jimcihii ka dhacay caasimada dalkaasi la tarxiilayo. Ninkan oo an magaciisa la shaacin ayaa deganaansho weydiistay dalka Sweden sannadkii 2014.ka, balse dalabkiisa waa la diiday.

Boolisku waxaa ay sheegen in ninkani 39 jirka ah uu horay taageero ugu muujiyay kooxo ay kamid yihiin kooxda isugu yeedha khilaafada islaamka ee Daacish.

Qofkale oo lala xidhiidhinayo falkii ka dhacay dalkaasi ayaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay, balse boolisku waxay intaa ku dareen in aaney heynin cadeymo muujinaya in weeraro dheerad ah la qorsheeyay.

Dhamaan afartii qof ee ku dhimatay weerarkaasi ayaa haatan la aqoonsaday, waloow an la shaacinin magacyadooda, Waxaana dadkaasi kamid ah labo qof oo u dhashay dalkaasi Sweden oo mid la sheegay in ay tahay gabadh 11 sano jir ah iyo laba qof oo kale oo u kala dhashay dalalka Britain iyo Belgiam.

Dhowr qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden oo ah halkii uu weeraraka ka dhacay, si ay u xusaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Leave a Reply