Ingiriiska oo Ruushka ku Eedeeyay Weerarkii Sunta ee Suuriya

0
282

Xoghayaha gaashaandhiga ee dalka Ingiriiska  Sir Michael Fallon ayaa ku edeeyay dalka Ruushka in ay masuul ka yihiin dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay duqeyntii toddobadkii hore ka dhacday dalka Suuriya ee loo adeegsaday kiimikada.

Michael Fallon oo maqaal uu ku qoray wargeyska The Sunday Times kaga hadlay arrintani ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid “bahalnimo”, isla markaana sharci darro ah, wuxuuna bogaadiyay weeraradii cirka ee Mareykanka uu ku qaaday saldhiga milateri ee dowlada Suuriya.

Mr Fallon ayaa intaa ku daray in weerarkan uu dhacay iyadoo dowlada Ruushka ay daawaneyso.

Hadalka wasiirka gaashaandhiga ee Britain ayaa yimid saacado un kaddib markii Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson uu baajiyey booqasho uu ku tegi lahaa Moskow, iyadoo ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay weerarkii hubka kiimikada ee Suuriya.

Boris Johnson oo lagu waday inuu Isniinta safro ayaa sheegay in xaaladdu ay ‘aasaasiyan’ is beddeshay, muhiimadiisana ay ahayd in la dhiso taageero caalami ah oo xabbadda lagu joojiyo.

Johnson

Wuxuu sheegay in UK ay Ruushka ugu baaqday in uu sameeyo wax kasta oo karaankiisa ah oo ‘xal siyaasadeed’ looga gaadhayo arrinta Suuriya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa isagu sidii horeba loo sii qorsheeyey booqan doona Moosko, wixii ka dambeeya shirka G7 ay yeelan doonaan 10-11 April.

Booqashada Mr Johnson ee uu wadahadalka kula yeelan lahaa dhiggiisa Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa noqon lahayd tii ugu horraysay ee xoghaye arimo-dibadeed ka socda UK uu halkaa ku tago muddo 5 sano ah.

 

Leave a Reply