Qaraxyo lagu Hoobtay oo Gilgilay Kaniisado ku Yaal Masar

0
298

Laba qarax oo lagu bartilmaameedsadey kaniisado masiixiyiinta qibdiga ah ayaa shalay ka dhacay dalka Masar, waxaana la sheegayaa in ay  halkaasi ku dhinteen 45 qof.

Qaraxa hore oo ka dhacay kaniisada kaniisadda Maar Jirjis oo ku taal magaalada Tanda ee xarunta gobolka woqooyi ee Delta Niil, waxaana ku dhintay   29 qof.

Qaraxa labaad oo isna  dhacay  saacado kadib ayaa isna gilgiley kaniisad qibdi ah oo iyana  ku taal  Alexandria, waxaana halkaasina ku naf waayay  16 qof.

Ururka sheegta dowladda islaamiga ah ee DAACISH ayaa sheegatay inuu isagu ka danbeeyay qaraxyada, waana weeraro taxane ahaa oo uuu beryahanba ku bartilmaansanayay masiixiyiinta tirade yare e Masar oo dalkaasi ka ah 10%.

Labada qrax ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen..

Waxa qarxay waxa uu yahay ilaa haatan lama oga, waxase jirtay in ciidanka nabad gelyada Masar marka horeba heegan la geliyey ka hor ciiddan maanta masiixiyiintu u dabaal degayeen ee la yidhaa Axad assacaf oo ah maalin masiixiyiintu u dabaal degaan maalintii Axadda ahayd ee nabi Ciise calayhi salaamay galay magaalada Quddus.

Telefishannada dalka masar qaarkood ayaa sheegay in dadka dhaawacmay haatan tiradoodu gaadhayso 40 qof dhimashaduna waxay haatan maraysa 25.

Xogo laga helay nabad sugidda ayaa sheegay in ciidamada nabad gelyadu ay baadhayaan xaafadaha ku hareeraysan kaniisadda qaraxau ka dhacay, dhoolliyaduna waxay weli halkaa ka gurayaan dadkii dhaawaca ahaa.

Qaraxani wuxu dhacay iyadoo tobaneeyo cisho uun ka hor weerarro hore lagu qaaday xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada nabadgelyadu oo ku taal isla magaalada Danda, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari toban kalena lagu dhaawacay.

Weerarada lagu qaado masiixiyiinta masar ayaa sannadii u dambeeyey isasoo tarayey gaar ahaan tan iyo sannadkii 2013 kii oo milatarigu af-gambiyeen madaxweynihii la doortay ka dibna ay bilaabeen in ay gacan bira ku qabtaan kooxaha islaamiyiinta ah.

Bishii Feberuary ee la soo dhaafay ayaa koox mitidiin ah oo ka tirsan kooxda la baxday dawladda Islaamku waxay sheegeen in ay weerraro ku qaadi doonaan Qibdiyiinta dalka oo bulshada dalkaas ka ah boqolkiiba toban.

Leave a Reply