Faransiiska oo Albaabada u Xidhaya Warshad Nukleyr

0
295

Wasiirka arrimaha deegaanka ee dalka Faransiiska Segolene Royal ayaa ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay xidhayaan xarun Nukleyr oo qadiimi ah, taa oo ku taala deegaanka Fessenheim ee bariga dalka Faransiiska.

Waxaa jiray walaac laga muujiyay badqabka shirkadani oo ku taala meel ay dadku ku badanyihiin, Kana ag dhaw xadka Faransiisku uu la leeyahay dalka Jarmalka iyo Switzerland.

Qorshahan albaabada la isugu dhufanayo shirkadani Nukleyrka ayaa timid kaddib markii uu ballan qaaday madaxweyne Francois Hollande xiligii ololaha doorashada ee uu ku guuleystay sanadkii 2012.ka.

 

Leave a Reply