Weligaa Shakhsiyada Qofka Kale Ilaali oo Ixtiraam

0
769

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal ka doodida fikrada oo haku fakanin ashkhaasta. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, doodaas jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn. Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya kolka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxay taagantahay kolka aad dad ceebahood iyo boogohood aad faraha lagasho.

Waayo qofka ku nuuxnuuxsada ka doodista galdaloolada dadka badbaadadiisu way yartahay, arimihiisuna way kala daataan; xasadkiisuna wuu bataa. Dooda wanaagsani waa tan laga doodayo fikradaha oo lagu saxayo akhlaaqda iyo diinta, laguna tirtirayo xumaan wanaag loo rumaystay.

Sidaa darteed, arintaa ku baraarugsanow oo adigu isku baraarug ka hor inta aanad cid kale ku baraarugin ama aanad ka dul onkodin. Ka mid ahaw kuwa caqliga badan, ee afgaabnida ku hanta haybada goobta ay joogaan iyo bulshada ay ku dhex  nool yihiin, ka mid ahaw kuwa caqliga badan oo ashkhaas haka doodine, afkaar ka dood oo weliba hana noqoto mid wanaagsan oo waxtar u leh bulshada ku fahmaysa, kuna qotonta cadaalad ka fog caadifaad iyo laab lakac aan jiho lahayn oo ka fog akhlaaqda iyo diinta. Dooda wanaagsani waa ka faa’iidaysiga xikmadda.

Leave a Reply