Dal Iyo Dad Sabool oo Ku Nool Badhtamaha Yurub

0
289

Qaaraddda Yurub ee gabowday waxay ku kala horeeyaan dhinaca dhaqaalaha iyago ay ku yaallaan dalal aad  sabool u ah. Dalka Yukreen ayaa noqday kan ugu faqiiran qaaradaasi. Dakhliga qofka meel dhexaadka ah soo gala bishii ayaa qiyaastiisu noqotay $ 170 doller oo keliya.

Ukreen waxay ka kooban tahay 24 gobol waxaana ay noqotay burburkii Ruushka ka dib dawlada labaad ee leh ciidan ballaadhan oo ka mid ahayd Midowgii Sofiyeet ee burburay. Tirada dadka ku  nool ayaa lagu qiyaasaa 46 malyuun qof, iyagoo 78% ay yihiin dad asalkoodu yahay Ukreen. Inta soo hadhay ayaa isugu jira Ruush, Bela Ruusiya iyo Romaniya. Luqadda rasmiga ah ee dalka waa tan Ukreen, inkasta oo si weyna loo isticmaalo luqadda Ruushka. Diinta ay haystaan ayaa ah Kiristaanka , mad-habta Orthodox oo ah tan ugu xagjirsan Kiristaanka.

 

Leave a Reply