Xukuumadda oo Dhambaal Mahadnaq ah u Dirtay Dawladda Imaaraadka Carabta

0
385

Dubai (Dawan) Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya UAE, ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta  uga mahadnaqay deeqaha gargaarka ah ee ay marwalba la barbartaagan yihiin shacbiga Somaliland ee xaaladda abaartu saamaysay, hadday noqoto abaartii galbeedka iyo ta bariga ee wakhtigan taaganba.

Iyadoo Imaaraadku ay marwalba ka war hayaan codsiyada iyo baahiyaha Somaliland uga yimaada, kagana jawaaba gurmad iyo xaqiiqo raadis degdeg ah, waxaa xusid mudan in ay khamiista dalka u soo dirayaan kooxo gurmadka degdega ah ee xaaladda caafimaadka la xidhiidha. Safiir Baashe Cawil Cumar oo dhambaal rasmi ah  oo  mahadnaq ah u diray Imaaraadka Carabta, ayaa yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo xukuumadba waxay u mahadnaqayaan iyaga oo u haya abaal iyo qadarinba dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba,  mucaawinada ay caawiyeen shacabka Somaliland xiLli ay aad ugu baahnaayeen, waxay ku reebtay saamayn. Ilaahay casa-wajalle uu u barakeeyey kaalmada iyo taageerada ay u gaysteen walaalahood. wakhti aad u adag oo ay haleeshay masiibo dabeeci ah. Aad ayaad  mahadsan-tihiin ilmo Al Zeyd. Waxa aad caddayseen in aad taageereyaal fiican u tihiin Muslimiinta, nimcadiina iyo fadligiinana ay farxad geliso quluubta Muslim walba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply