Afar Koob oo Shaah Ahi Saamayn Intee Le’eg Bay Ku Yeelan Karaan Caafimaadkeenna?

0
403

Khubaro caafimaad ayaa dhowaan soo saaray natiijada daraasad ay ka sameeyeen shaaha oo la cabo xadi badan, gaar ahaana in maalintii la cabo afar koob oo shah ah, iyaga oo daba socday daraasad kale oo dhowaan lasoo saaray , laguna tilmaamay inuu shaaha badani caafimaadka u xun yahay.

Khubarada daraasadan samaysay ayaa intii ay daraasadan ku gudo jireen waxa ay dib u eegis ku sameeyeen ilaa 740 daraasadood oo  laga sameeyey cabitaanka shaaha, waxaana sameeyey  maxadka lagu magcaabo International Institute of Life Sciences, waxaanay khubarada daraasadan samaysay ay  sheegeen in shah badan oo maalintii la cabaa in aanay saamayn ku yeelan Karin  caafimaadka guud ahaan .

Saynisyahanadan oo qoraal natiijada daraasadan lagu shaacinaayey oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail  oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in qofka oo maalintii caba shaah xadigiisu dhan yahay  400 mg oo u dhiganta  4 koob oo shaah ah  in aanu waxba u dhibi Karin caafimaadka dadka .

Cilmibaadheyaashan  ayaa helay in cabitaanka shaaha ee gabadha uurka leh , gaar ahaana xadiga dhan 300 mg aanay sidoo kale waxba u dhimi Karin caafimaadka hooyadaasi uurka leh.

Dr Eric Hents oo ah agaasimaha  maxadkaasi International Institute for Research  on Cancer ( IARC)  ayaa sheegay in xogtani tahay mid saacidaysa in si fudud loo sameeyo loona helo daraasado lagu sameeyo  saamaynta shaaha ee caafimaadka .

Khubaradan ayaa ugu dambayn tilmaamay in aanay hayn wax cadayn ah oo muujinaaya in shaahu dhib ku lee yahay caafimaadka dadka, gaar ahaana marka la badsado.

Leave a Reply