Xukuumadda Somaliland oo Daboolka ka Qaaday Inay Ballaadhinayso Cilaaqaadka ay la Yeelanayso Dalalka Carabta

0
415

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay kor u qaadayso cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay la leedahay dawladaha carabta oo hore xidhiidhka ay la lahaayeen  Somaliland aad u gaabnaa.

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday  Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadlay dhakhaatiir ay dawladda Imaaraadka carabtu u soo dirtay Somaliland shalay oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulin doona Hargeysa isla markaana ay ka faa’iidaysanayaan dad gaadhaya illaa shan kun oo qof oo muwaadiniin ah muddo lix maalmood ah.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka hadlay soo dhaweynta dhakhaatiirtan, ayaa sheegay inay labba-laabayaan  cilaaqaadka Somaliland iyo dunida carabta, waxaannu  yidhi; “Xukuumadda Somaliland waxay dhiirigelinaysaa xidhiidhka dawladaha Carabta oo wakhtigii hore aad u gaabnaa, haddase wax badan baa iska bedalay dalal badan baanu xidhiidhkooda kordhin doonaa oo ka mida dalalkaas carabta, saaxiibadii hore ee aynu haysanayna waynu ku faro adaygaynaa kuwo cusubna waynu raadsanaynaa, dhammaantiinba waad mahadsan tihiin  Warbaahinta iyo dadka kale ee marti sharafta ah ee halkan saaka ku soo dhaweeyey dhakhaatiirtan.”

 

Wasiirka Madaxtooyada, Md Maxamuud Xaashi Cabdi,  u mahadceliyay dawladda Imaaraadka carabta dhakhaatiirtan oo uu sheegay inay waxtar weyn u tahay bulshada Somaliland, waxaannu yidhi;“Saaka(shalay) waxaan halkan u nimi soo dhaweyntooda, kooxdan dhakhaatiirta ah ee ka socda Emirates Volunteer Medical Team ee uu hoggaaminayo Dr. Caadil oo ka socda urur dawladda Imaaraadka Carabta ka tirsan, dhakhaatiir badana ay wehelinayaan kuwaas oo isugu jira dalal kala duwan, waxay u yimaadeen inay kaalmo caafimaad ka sameeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, Mashruucani waxa uu noqonayaa mid ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Dawladda Imaaraadku waana mashruuc bilow ah sannad walba joogto ayuu noqon doonaa ilaa shan lix jeer Insha Allaah, Mustaqbalkana gobollada ayaanu ku fidin doonaa annagoo uga mahad celinayna dawladda Imaaraadka, gudoonkooda iyo niyad samidooda. waxaa kaloo aanu u mahad naqaynaa Cabdixakiin Al-xayaat Foundation  oo isaguna qaban qaabadooda iyo isku dubaridkooda doorweyn ka qaatay.”

“Waxay dhakhaatiirtani ku shaqayn doonaan garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium, oo loogu sii diwaangeliyey  dad 5,000 iyo dheeraada oo muwaadiniin ah  diiwaangelintiina way dhammaatay, si joogto ah baa loo shaqayn doonaa labada gelinba lixdaa cisho haddii Alle ka dhigo, waxaanu dadka muwaadiniinta ah ee is diwaangeliyey ka codsanaynaa inay dhawraan nidaamka oo ay goobtaa yimaadaan dadkii la diiwaangeliyey oo keliyi una fahmaan in aan dad cusub la diiwaangelin doonin madaama oo ay ka xidhan tahay.

 

Dadka is diwaangeliyeyna waxaanu ka codsanaynaa inay fursada si wacan uga faa’idaystaan dhakhaatiirtu waxay wataan shaybaadhadoodii iyo dawooyinkoodii wax kastaa waa u dhamaystiran yihiin, waxaa caawin doona oo la shaqayn doona dhakhaatiir dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo dhinaca turjumada iyo farsamadaba ka caawin doona.

 

Guud ahaan dawladda Imaaraadka waan u mahadnaqaynaa, waana kaalmooyinkii u horeeyey ee inaga soo gaadhay dhinaca caafimaadka, waxaan rajaynaynaa in aynu saami weyn ka heli doono dawladda imaaraadka qaadhaanka guud ee ay u samaynayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhanka kale waxay wasiiradu ay soo dhaweeyeen saaka dhakhaatiir ka socotay Dalka Kuwait, kuwaasi oo muddo saddex maalmood ah ku sugnaan doona Somaliland, gargaar caafimaadna ka fulin doona dhakhtarka International-ka ee Magaalada Hargeysa ee ay gacanta ku hayso Kuwait,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Maxamuud Xaashi oo ka hadlay dhakhaatiir kale oo ka socotay dalka Kuwait oo iyaguna shalay dalka soo gaadhay, waxaannu yidhi; “Sidoo kale waxaan u mahad naqaynaa iyagana oo aanu saaka halkan kusoo dhaweynay  dhakhaatiir ka timi wadanka Kuwait oo iyaguna u socda cusbitaalka International ee ay maamusho Jimciyatu Al-Raxma oo joogi doona saddex cisho dhammaantood dhakhaatiirtaasi waxay bixin doonaan adeeg caafimaad oo bilaash ah waxaanay ka mid yihiin kaalmooyinka bini-aadamnimo ee dadka walaalaha ah ee Muslimiintu u fidinayaan Shacbiga Somaliland gaar ahaan dalalka aynu saaxiibka nahay ee xidhiidhka weyni innaga dhaxeeyo, ka Somaliland ahaan.”

Weftigan dhakhaatiirta ah oo uu hoggaaminayey Dr. Caadil oo dhakhtar   si weyn looga yaqaano dalalka carabta,  ayaa muddo lix maalmood ah ku sugnaan doona dalka islamarkaana ka fulin doona daaweynta Xanuunnada kala duwan, waxaanay xarun ka dhigteen Garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium halkaasi oo ay dadweynaha ku daaweyn doonaan, iyadoo dadku iska diwaangelinayey maalmihii u dambeeyey dad ay tiradoodu gaadhay 5000 qof.

Dr. Caadil Al-Shamari, ayaa sheegay in socdaalkooda uu amray Madaxweynaha Imaaraadku, islamarkaana uu u sheegay inay Somaliland tahay waddankoodii labaad, kana soo fuliyaan gargaar caafimaad oo loogu gurmanayo carruurta iyo dadka waaweyn, sidoo kale  wuxuu xusay in safarkoodu yahay mid la xidhiidha caafimaadka, balse aanay u socon arrimo kale, xoogana ay saari doonaan sidii ay u caawin lahaayeen shacbiga Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Muuse Biixi  oo Eedaymo Culus u Jeediyay C/Raxmaan Cirro Iyo Xirsi

“Walaalow dhibtii aad gaysatay baanu dhayeynaa, ummadduna dhaawacii aad u geysatay bay ka calaacalaysaa”

Boorama(Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo uu ku dooday inay deelqaaf ku tahay siyaasadda iyo dadnimada suubban kasoo horjeeda oo  uu ku eedeeyay  in muddooyinkii ugu dambeeyey ay  caadaysteen madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey dallad ay ku midoobeen aqoonyahanka gobollada galbeedka Somaliland oo magacooda la yidhaa GURMAD oo lagu qabtay magaalada Boorama shalay. waxa uu bulshada dib-u-xasuusiyey cidda lahayd masuuliyadda dib-u-dhacyada ku yimi doorashooyinka Somaliland oo ah xisbiga WADDANI, balse uu hadda caadaystay inuu arrintaa dhaliil uga dhigo KULMIYE iyo xukuumaddiisa,waxaannu yidhi, “Adduunyada waa kow, dimuqraaddiyaddana way ku cusub tahay xisbi mucaarad ah oo doorashada dib-u-dhiga oo kii xukunka hayeyna yidhaahdo waar doorashada aan galno, markhaatigediina waa shalay, maantana markii ay madaxdii WADDANI Madaarka soo gaadheen way inoo daareen dardaar-werin iyo doorashadii baa dib loo dhigayaa, waar ma wixiinii baad la soo socontaan, waxaannu idiin sheegaynaa haddaanu xisbal-xaakimkii iyo xukuumaddii nahay waxaannu idiin sheegaynaa inaannu dib-u-dhac ku iman  doonin doorasho dambe, Madaxweynaha maanta joogaana ma sharraxna, maalintii aad dib-u-dhigayseen mucaaradow Madaxweyanuhu wuxuu yidhi oo qoraal lagu hayaa dib-u-dhigistu waxay igaga xannuun badan tahay xabbad-dhafoorka la igaga hayo, waayo aaminaadiisa siyaasiga ah iyo shakhsiyaddiisa toona lagama filaynin manuu doonaynin Axmed Siilaanyo nin kursi kusii waara oo doorasho dib u dhiga, waayo tartankii baabuu iska daayey, markaa maanta Madaxweynihii nin doorasho dib u dhigaya oo lugta jiidaya maaha, murrashaxa KULMIYE-na wuxuu idin leeyahay waar tii hore idiin diiday oo dib-u-dhigay oo is-raacay, tan maantana idinka yeelimaayo inaad dib u dhigtaan mucaaradow ee ku biyo-cabba.” Murrashax Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey xisbiga WADDANI inuu la mid yahay Hasha Geella cunta ee haddana cabaadda, waxana uu  bulshada xasuusiyey doorka iyo Guddoomiyaha iyo hoggaamiyaha WADDANI ku soo lahaayeen dhacdooyinkii siyaasadeed ee dalka soo maray, isaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey deelqaafyadii uu hore ugu kacay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore xukuumadda uga ahaan jirey wasiir awood badan, haatan dhaliilo badan bannaanka la jooga, “Maahmaah Carbeed baa jirta oo uu macnaheedu ahaa ‘intuu i dilay buu ooyey oo uu haddana reerkii iiga dheereeyey oo uu iga ashkateeyey,’ waxaynu maqalnaa madaxda WADDANI oo tidhaahda hebel baa wax loo qaban waayey iyo dalkii KULMIYE ayaa hagraday, waase yaabe shanti sanno ee ugu dambeeyey labada nin ee hoggaaminta WADDANI wadaaga mid waxa uu ahaa wasiirkii ugu awoodda badnaa ee dhan walba wax u toociyey ee cid walba jiidhay ee waliba taariikhda siyaasadda ummaddii shacabka ahayd ee uu wasiirka u ahaa gabaygooddi, faan hanjabaad iyo dhaadasho ah isugu daray, isagii baa maanta calaacalaya oo leh ummadda wax halloo qabto, walaalow dhibtii aad gaysatay baanu dhayeynaa, ummadduna dhaawacii aad u geysatay bay ka calaacalaysaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata oo uu farta ku fiiqay hagradashada dalka ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Murrashaxa madaxweynaha  WADDANI uu yidhi, “Ninka labaad ee hoggaanka la wadaagaa 13 sanno waa ninka awoodda ugu badan ee sharci-dejinta Guddoomiye ka ahaa, wax allah iyo waxa dalka xeer ka baaqday ee dib-u-dhicidda doorashadu ka mid tahay, wax allah iyo wax dadku tebayo ee sharci ah ee la isku cannaanayo waa ninka laga sugayey inuu fuliyo, indho adagaa maalin walba wuxuu leeyahay wax la xumeeyey iyo dib baa loo dhigay iyo halla i doorto.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu wax diinta Islaamka iyo damiirka dadku diido ku tilmaamay, isla markaana uu su’aal geliyey dhaqannada madaxda xisbiga WADDANI ee la xidhiidha sawirrada ay ku dulgalaan dadka xannuunsanaya, waxaannu yidhi, “Culimada iyo dadka damiirka bani’aadamku damqo ayaan su’aal weydiinayaa innagu cusub oo uu xisbiga WADDANI inoo curiyey, waxaan doonayaa in la iga jaahil bixiyo qof sakaraad ah oo xannuunsanaya inaan kamarad la dultago oo aan ka doono xod-xodasho siyaasadeed, booqashada dadka bukaa ma bani’aadamnimaa oo diintaa ina fartay, mise waa is tus-tus siyaasadeed oo Facebook-ga lagu baahiyo.

“Annaga taas diintu nooma oggola dadnimaduna nooma oggola, dadka buka haddaanu siyaaranayno dar Ilaahay baanu u siyaaranaynaa oo dadnimo iyo damqashaanu u siyaaranaynaa, haddaanu wax taranaynana cidi na agoonmayso, waayo diintaa sidaas na faraysa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply