Gabadha Adduunka Ugu Dheer Iyo Ta Ugu Gaaban Oo Ka Wada Qayb Qaatay Aftidii Turkey-ga

0
595

Dhacdadii ugu cajaa’ibka badnayd ee warbaahinta caalamka soo jiidatay ayaa noqotay aftidii wadanka Turkey-ga oo ay ka wada qayb galeen gabadha caalamka ugu gaaban iyo gabadha caalamka ugu dheer.

Gabadha lagu magcaabo Romeads Gladie ayaa noqotay gabadha caalamka ugu dheer , iyada oo dhererkeedu yahay  ama gaadhaayo 2 iyo 13 cm, waxaanay gabadhani codkeeda ka dhiibatay gobolka  Bolu oo ku yaala waqooyiga dalkaasi Turkey-ga.

Waxaanay sheegtay mar ay hadashay gabadhan caalamka ugu dheeri inay ku faraxsan tahay inay  codayso  iyada oo muwaadinad ah.

Gabadhan ayaa  hore u gashay bugga layaabka adduunka ah  ee World Genius Record-ka loo yaqaano , iyada oo buuggaasi gashay sannadkii 2014 kii, waxaanay da’deedu maraysaa 18 sanno jir.

Wargeyska Telegraphy oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay gabadhaasi adduunka ugu dheer ku wehelinaysay  codayntan gabadha ugu gaaban caalamka, iyada oo lasoo bandhigay sawiradda labadaasi haween ah.

Gabadhan caalamka ugu gaaban ayaa lagu magcaabaa Elif Kujaman, waxaanay isla gabadhani ka qayb gashay codayntan aftida,  iyada oo buugga World Guinness ka gashay sannadkii 2010 kii oo ay noqotay gabadha caalamka ugu gaaban.

 

 

 

 

Leave a Reply