Samaynta Tagsiga Duula oo la Doonayo In Laga Dhigo Mid Run ah

0
505

Khubaro  Kala duwan ayaa wadda sidii ay  usoo saari lahaayeen gaadhiga tagsiga ah ee Duula, kaas oo hadda si toos ah loo dhameeyey qaabayntiisii , waxaana dhowaan la filayaa in lasoo saaro.

Khubaradda ku hawlan samaynta gaadhigan ayaa wareyska Daily Mail oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan u sheegay inay tijaabo ku sameeyeen Tagsigan, iyaga oo hab Computerized ah u saaray laba qof, waxaana lagu sameeyey tijaabadaasi wadanka Jarmalka.

Gaadhigan oo lagu magcaabo Lilium Jeg ayaa shaqadiisa ugu horeysa ku bilaabaaya 5 kursi oo ay fuulayaan dadka rakaabka ahi, iyada oo la filaayo inuu dhowaan bilaabo qaadista dadka macaamiisha ah ee shirkaddaha iibsan doona.

Gaadhigan ayaa noqon doona mid duulaaya, waxaanu marka uu kacaayo u kacayaa habka diyaaradda Helicopter-ta oo kale, waxaanu u fadhiisanayaa isla qaabkaas oo kale.

Gaadhigan ayaa duuli kara masaafo dhan ilaa 200 oo Miles , halka uu sidoo kalena socon karo  saacaddiiba 180 Miles .

Daniel Wiegand oo ah aas aasaha iyo agaasimaah shirkadda gaadhigan samaynaysa  ayaa sheegay inay xaliyeen mid kamid ah dhibaatooyinka  soo food saaray intii ay ku jireen qaabaynta nooca uu gaadhigani noqonaayo, sidoo kalena waxa uu sheegay inay xaliyeen  dhibaatooyink dhanka duulista hawada ah oo iyaduna haysatay.

Gaadhigan ayaa ka duuli kara guryaha dushooda, waxa kale oo uu ka duuli karaa meelaha daaradaha ah ama dayrarka ah ee guryaha, waxaana laga maarmi karaa  in loo sameeyo waddo weyn oo uu ku dul duuli karo.

Gaadhigan ayaa ku shaqaynaaya qiimaha ay gawaadhida caadiga ahi , isaga oo kaga duwan duulista oo keliyaata, waxaanu gaadhiga ka dheerayn karaa  gaadhiga 5 jeer laab.

Gaadhigan Lilium Jet ayaa u baahan 20 saacaddood oo tabobar ah, kaas oo si joogto ah loo tabobaraayo.

Gaadhigan ayaa la filayaa in la soo saaro sannadka 2018 –ka.

Leave a Reply