Natiijada Su’aalo guud oo Nin Macalin ahi Weydiiyay Ardyadiisii

0
956

Markii uu Macalinku fasalka dugsiga hoose fasalka soo galay wuxuu ardayda caruurta ah weydiiyay su’aalo guud oo waxaanu  yidhi : “Yaa garanaya shimbirka awoodi kara inuu dadka la sheekaysto oo magaciisu ka bilowda xarafka B”?   Ardaygii gacanta taagay ayuu u ogolaaday inuu ka jawaabo. Waxaana Ardaygu yidhi waa “Shimbirka Babqaaga”. Macalinka waa sax. Ardayga ayuu magiicsa weydiiyay waxaana uu yidhi Axmed. Waxa kale oo uu weydiiyay muxuaa aabaha ka sheqeeya . Ardayga aya ku jawaabay “ Waa dhakhtar”.  Macalinka ayaa ardaydii ku yidhi “ Waa kuwaa ardaydii ay dhaleen Dhakhaatiirtu “. Idinku waa inaad ku fikirtaan inaad dhakhtaro noqotaan si aad wiilkaasi oo kale u dhashaan. Waxaan uu ardayga ku yidhi “ Igu salaam Aabo, agtiisa igu xusuuso oo ii sheeg”.

Su’aal labaad ayuu weydiiyay “ Waa maxay xayawaanka xamaaratada ka mid ah oo dushiisa qolof adagi difaac u tahay “? Arday ayaa farta taagay ka dibna ka jawaabay oo yidhi “ waa diinka”. Macalinka ayaa yidhi waa sax , maagacaa , Ardayga Caadil. Macalinka aabo muxuu ka sheqeeya “ waa Injineer “. Ardaydii ayuu ku yidhi waad aragtaan ardaydii Injineerada , isku daya inaad noqtaan si aad u dhashaan wiilkaasi oo kale.   Macalinka aabo igu salaan , agtiisna igu xusuuso oo ii sheeg.

Macalinka su’aal sadexaada yuu weydiiyay “ yaa garanaya Shimbirka labada baal leh ee haddana aan duulin”? Ardayga ayaa farta taagay oo u ogolaaday inuu ka jawaabo. Waxaana uu yidhi “ shimbirkaasi waa Yaxaaska”. Macalinkii oo yaaban, ardaydiina way qososleen, Waxaan uu aradayga ku yidhi magaca? Ardayga Saalim. Muxuu aabaha qabtaa “ waa Dilaal”. Macalinka ayaa ku yidhi ‘ Aabo salaam iga gaadhsii, waxba agtiisa igu xusin”.  Waxbaro si aad u dhasho Caruur maskax badan oo Nacasyo maskax adaga ahayn.

Leave a Reply