Markab Ruushka kaga Degay Biyaha Turkiga

0
467

Markab basaasidda qaabilsan oo Ruushku leeyahay ayaa ku degay xeebaha Turkiga ka dib markii ay isku dhaceen markab wayn oo xamuul, laakiin waa la badbaadiyay dhamaan shaqaalihii saarnaa, sida ay sheegtay waaxda xeebaha ee Turkiga.

Ruushka ayaa mar sii horaysay xaqiijiyay in ay waxyeelo gaadhay markabka Liman oo qayb ka ahaa maraakiibta ilaalada Badda Madaw ay cilladi la soo daristay shaqaaluhunu ay isku dayayeen in uusan dagin.

Ma cadda waxa dhaliyay isku dhacaas.

Markabka oo uu ka babanayay calanka Togo ee ku lugta leh shilka ayaa waday xoolo sida ay sheegtay warbaahinta Turkigu.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa wacay dhiggiisa Ruushka Dmitry Medvedev si uu ugu muujiyo in uu ka xunyahay shilkaas, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan xafiiska ra’iisalwasaaraha ayaa sidaas sheegtay.

Maraakiibta ilaalisa xeebaha Ruushka ayaa mara marinka Bosphorus iyagoo mararka qaar u socda bariga dhexe sida Suuriya.

Leave a Reply