Turkiga oo sii Wada Hawlgalada uu ku Ugaadhsanayo Dad loo Tuhmay Inqilaabkii

0
360

Booliiska dalka Turkiga ayaa xidhxidhay 1,000 ruux oo looga shakisan yahay in ay qayb ka ahaayeen dhaqdhaqaaq lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2016kii.

2,200 oo kale ayaa la baadigoobayaa iyadoo ay dawladdu bartilmaameed sanayso wax ay ku sheegtay dad si sir ah isugu xidhnaa oo ka tirsan booliiska dalka Turkiga.

Dawladda Turkigu waxay sheegtay in afduubkii 2016kii uu soo abaabulay waddaadka Maraykanka qurbojoogga ku ah ee la dhoho Fethullah Gulen si uu xilka uga tuuro madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Bishan horraanteedii madaxweynaha ayaa ku guulaystay afti sare u qaadaysa awoodaha madaxweynaha Turkiga.

Guushan oo ahayd mid dirqi ah ayaa Erdogan u saamaxaysa in uu awood wayn yeesho taas oo meesha ka saaraysa madaxweynenimada Turkiga oo markii hore iska maamuus-ahaan ahaan jirtay

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa laga soo sheegay in 72 deegaan ay ka soo xidheen1,009 imaam oo qarsoodi ahaa.

 

Leave a Reply