Xaakim Mareykan ah oo ku Gacan seydhay Qorshaha Madaxweyne Trump

0
351

Xaakinka Maxkamadda magaalada San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa is hortaagay qorshahii madaxweyne Trump ee ahaa in dhaqaalaha federaalka laga jaro gobolada diida in ay xabsiga u taxabaan muhaajirinrinta aan sharciga lahayn si loo tarxiilo.

Amarka Madaxweyne Trump ayaa muran ka dhaliyay guud ahaan dalka Maraykanka.

Garsoore William Orrick ayaa amarka Madaxweyne Trump uu saxiixay horaantii sannandkan ee la filayay in uu ka dhaqan galo guud ahaan dalka Mareykanka ku tilmaamay waxba kama jiiraan, waxayna taasi sahashay in madaxda gobollada dalka Mareykanka ay diidan cuna qabateynta lagu soo rogay magaalooyinka Mareykanka hadii aysan la shaqeyneynin masuuliyiinta waaxda socdaalka.

Xukuumada Madaxweyne Trump ayaa ku boorisay maamulada gobolada in ay soo qabqabtaan dhamaan muhaajirinta galay fal dambiyeed si dib loogu celiyo dalalka ay ka soo jeedan, balse madaxada magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka ayaa iyaguna dhankooda sheegay in aysan sharci darro ku xidhi karin muhaajiriinta madaama dadkaasi lagu sii daayay qaab damiin ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee San Francisco, Dennis Herrera oo isagu soo dhaweeyay go’aanka maxkamada ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid farriin u direysa xukuumadda madaxweyne Trump iyo Aqalka Cad.

Muhaajiriinta horay looga tarxiilay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah boqolaal qof oo Soomaali ah kuwaas oo dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadkaaasi ayaa la sheegay in ay muddo ku xidhnayeen dalka Mareykanka, waxaana ka mid ahaa kuwa dembiyo ka geystay Mareykanka iyo kuwo waayay sharciyo ay ku sii joogaan dalkaas.

 

Leave a Reply