Marxuum Rashiid Balluu Ibraahim oo Aas Qaran Lagu Sagootiyey

0
390

Hargeysa(Dawan)- Alle ha u naxariistee waxa  shalay aas qaran lagu sagootiyay Marxuum  Abwaan/fannaan Rashiid Balluu Ibraahim oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Rashiid Balluu  Ibraahim waxa uu ahaa  abwaan dhaqan yaqaan iyo Fannaan ka soo jeeda  dalka Hindiya  oo uu asal ahaan qoyskoodu ka soo jeeday

Alle ha u naxariistee Aabbihii Balluu Ibraahim, waxaa uu dhulka Somaliland soo gaadhay hillaadii 1886,dii markaas oo uu magaalada Saylac yimi halkaas oo uu ku guursaday gabadh reer Somaliland ah.

Rashiid Balluu, waxaa uu ku soo barbaaray Somaliland,Jabuuti iyo Itoobiya, waxaanu ka mid noqday isagoo aad u da’yar kooxdii fanka ee la odhan jiray Walaalaha Hargeysa isagoo ka soo noqday heesaa ka soo dhex baxay kooxdaas oo aad u soo jiitay dadka afka Soomaaliga  ku hadla oo dhan.

Waxaanu ka soo qayb qaatay heesihii halgankii  lagu kicinayay gumaystihii Ingiriiska. ALLE ha u naxariistee Rashiid Balluu Ibraahim, waxaa uu noqday  fannaankii ku guulaystay tartankii loo galay heesta Astaanta Radio  Hargeysa ee ay kaga baxdo ee tidhaahda “Halkani waa Hargeysoo Hirarka Gaagaaban idinkala Hadlayso waan Hoyanayaye Habeen  Wanaagsan.”

Waxa kaloo   uu Marxuum Rashiid ka soo qayb qaatay halgankii dib u xoraynta Somaliland ee SNM  isagoo ka mid ahaa foolaadkii wacyigalinta iyo waanada iyo fanka ee SNM. Waxaanu noloshiisa u hibeeyay halganka dalkiisa iyo dadkiisa oo uu intii uu noolaa oo dhan ku qaatay wacyi galin iyo waano wax  ku ool ahna uu heegan ula ahaa.

 

Alle ha u naxariistee laxannada caanka ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa lagu qaaday heesaha ay ka midka yihiin “Indho Deeralay”, “Madheedhaale iyo hawd”, “Waan daalee” oo ka mid ah heesaha ay qaadaan fannaaniinta haldoorka ka soo ahaa Fanka   Soomaalida. Rashiid Balluu wuxuu ka tirsanaa ilaa hadda shaqaalaha Radio Hargeysa gaar ahaana qolka keydka hadalka,Rashiid Balluu Ibraaahin ayaa shalay aas Qaram lagu sagootiyay  Alle ha u naxariisto Rashiid Balluu Ibraahin intii uu ka baxay qoys,qaraabo ehel iyo qaranka Somaliland,na alle samir iyo iimaan  ha ka siiyo AAMIIN.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply