Ilaalinta Sacuudiga oo Trump Sheegay inuu kaga Baxo Dhaqaale Badan

0
371

Madaxweyne Trump ayaa dhaliilay heshiiska difaaca ee Maraykanku uu kula jiro boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuna sheegay in uu yahay mid hal dhinac u janjeedha oo Sacuudiga dan u ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu u sheegay in Sacudigu uu maraykanka ula dhaqmayo si aan dhexdhexaad ahayn, sababtana wuxuu ku sheegay in Maraykanka ay dhaqaale badan kaga baxdo difaacidda Sacuudiga, waa sida uu hadalka u dhigay ee.

Bishii hore ayay dadka Sacuudiga ka faalooda sheegeen in uu soo hagaagay calaaqaadka labadan dal ee xulafada ah tan iyo wixii ka damabeeyay wadahadaladii uu ku xigeenka dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman la yeeshay Donald Trump.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanku uu ka baaraandagayo macquulnimada in uu madaxweynuhu booqdo Sacuudiga iyo Israa’iil dhamaadka bisha soo socota.

 

Leave a Reply