Danjire Sifir oo ku Geeriyooday Maraykanka iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Shakhsiyadiisii

0
318

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum-Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee u dhalatay Somaliland oo shalay ku geeriyooday magaalada New-york ee wadanka Maraykanka.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyay nin weyn oo ka baxay guud ahaan dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhan.“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday maanta (shalay) 05.05.2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York.

 

Madaxweynaha  Somaliland, waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dhammaan ummada ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu Marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii u danbeeyey ee uu Qaranka Somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Kenya u fadhiya.Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN,”ayaa lagu yidhi dhambaalkaas tacsida ah ee ka soo baxay xafiiska afhayeen Xuseen Deyr.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply