Baaq guddoomiye Falaay u diray hay’adaha samofalka ee ka hawlgala Ceerigaabo

0
286

Ceerigaabo (Dawan):- Guddoomiyaha  gobolka Sanaag  Axmed Cabdi Falaay,ayaa ka hadlay dad xoolo dhaqato ah oo duunyada intii abaarta uga soo hadhay uu roob ka laayay isla markaana ku baaqay in si degdeg ah loogu soo gurmado dad soo guurto ah  ku sugan deegaanka Siraadley oo ka tirsan gobolka Sanaag oo roobab dabaylo wataa ay ka dileen ugu yaraan 19 kun oo neef oo xoolo ah.

 

Guddoomiyuhu  waxa kaloo  uu intaa ku daray in aanay Xukuumad ahaan dadka u gurmadkooda aanay waxba kala hadhayn isla markaana socdaalka uu ku tegay uu ka mid yahay gurmadka ay Xukuumaddu dadka ugu gurmanayso waxaanu amar ku siiyay Hay’adaha ka hawlgala gudaha magaalada Ceerigaabo in ay si degdeg ah ugu soo gurmadaan dadka ay xooluhu ka baxeen.

 

Axmed  Cabdi Falaay ayaa daboolka ka qaaday tirada xoolaha ku le’day  roobab duufaanno iyo dabeylo wata oo maalmihii la soo dhaafay  halkaasi ka da’ayay waxaannu yidhi “Dadka ugu badan ee xooluhu ka dhinteen waa intii halkan uun noogu timid qaarbaa saddex boqol iyo konton watay oo 40-neef ay ka nool yihiin iyada oo aanu roobku shalay iyo maanta toona di’in xooluhu hadana waa ay baxayaan deegaan aanu bakhti oolini ma jiro xoolaha roobku laayay waxaanu ku qiyaasney 18-kun ilaa 19-kun oo neef oo xoolo  ah, dadkaasi waa dad dhibaatoobey waxaanu leenahay dadkaasi ha-loo soo gurmado, oo sida ugu dhakhsaha badan ha-loogu soo gurmado haddii ay raritaan tahay iyo haddii in la geeyo deegaanadoodi ay tahay-ba  , hay’adaha ka hawlgala gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Ceerigaabo waa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan dadkaasi ay xooluhu ka baxeen diyaar baanu u nahay wixii aan la qaban karro in aanu wax ka qabano , dadka xoolahan dhintay lahaana waxaan leeyahay iska guba bakhtiga xoolaha si intiina dambe aad uga badbaadaan xanuunnada ILLAAHAY heynaga badbaadiye”

Midka ka mid ah odayaashii soo gurtada ahaa ee deegaanka Siraadleyxooluhu kaga dhinteen ayaa yidhi ”deegaankaasi oo goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu u hayaanay dhanka badDa markii hore waanu ka soo noqoney oo aaggan ayaa ILLAAHAY na keenay wixii aanu u daymoowney halkaasi ayuu ALLE naga dhigey gaadiid hoose haddii uu awr yahay iyo haduu yahay dameero iyo adhigiiba, adhigu 250 ayuu ahaa xeradan imikana 45 ayaa ka jooga waxaanu u baahanahay in xil weyn leyska kaaya saaro”

Hooyo iyaduna ka mid ahayd dadkii xooluhu kaga baxeen roobabka duufaanada iyo dabeylaha watay ayaa tidhi  “Geelu saddex neef ayuu ahaa dameeruhuna toban ayay ahaayeen oo midh kama joogo oo roobkii ayaa laayay waxaanu codsaneynaa waxaanu huwanlaheyn waxaanu cuni laheyn wax bakhtigaa dushiisa naga qaada  aanu dul hoganeyno” ayay tidhi Hooyo ka mid ah dadka ay Xooluhu kaga bexeen roobabka dabaylaha watay ee ka da,ay Siraadley”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply