Ma aha Jaamici, Haddana Aqoon Ayuu Dunida Ku Beddelay!

0
339

Wargeyska Daily Mail ayaa soo daabacay warbixin uu ka soo xiganayay Wargeyska Fobres oo soo daabcaday liiska dadka dunida ugu taajirsan.

 

Warbixintan  ayaa sheegtay in ninka dunida ugu  maalqabeensan ee magaciisa la yidhaahdo Bill Gate in uu wakhtigan haysto 84 Billion, halka uu Donald Trump  siiyay jagada ninka 220 ee dunida ugu qanisan.

 

Bill Gate waa ninka bedelay qalabka Technology-iyada caalamka oo ka dhigay mid ka fudud sidii uu markii hore ahaan jiray. Waxaanu sheegay inuu yahay nin fikir badan oo dunida wax badan ku soo kordhiyay.

 

Waxaanu  wargeysku cadeeyay inuu Bill gate noqon lahaa haddii u dawlad yahay dalka ama dawladda 63 ee dunida ugu qanisan.  Bill Gate wuxuu ku fikiri jiray inuu noqdo maalqabeen weligiiba, waxaanu noqday hantiile isagoo 31 sano jiray.

 

Bill Gate ma qaadan shahaado jaamacadeed,  haddana maskax iyo aqoon ayuu dunida wax kaga bedelay oo uu ku gaadhsiiyay horumarka farsamada Technology-iyada casriga ah. Waxaanu leeyahay shirkadda weyn ee Microsoft.

 

 

Leave a Reply