Macdan Qodeyaal Dhintay iyaga oo u Gurmanayay Saaxiibadood oo God ku Dumay

0
318

Waxaa la helay Meydadka ugu yaraan 40 macdan qode oo geeriyooday xili ay isku dayayeen inay caawiyaan asxaabtooda oo  ku go’doomay qarax ka dhacay god macdanta laga qodo oo ku yaalla waqooyiga Iiraan.

Warbaahinta Qaranka dalkaas ayaa sheegtay in 70 kale ay dhaawacmeen 16 kalena la badbaadiyey.

Sarkaalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen macdan qodeyaal gaadhi saarnaa oo isku dayayay inay u gurmadaan 32 macdan qodeyaal ah oo ku go’doonsanaa gudaha meesha qaraxu ka dhacay oo ku taalla waqooyiga gobolka Golestan, iyadoo Qaraxa goobta macdanta laga qodo ka dhacay loo maleynayo inuu ka kacay Gaas.

Shaqaalaha gargaarka degdegga ah ayaa ku sugan goobta ay mashaqadu ka dhacday, Balse ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo xaaladda macdanqodeyaasha go’doonsan.

Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 1,300 oo mitir ay hoos ugu jiraan goobta macdanta laga qodo ee Zemestan-Yurt , oo u dhow deegaanka Azadshahr.

Raggan ayaa la sheegayaa inay khatar ugu jireen gaasas qarax dhalin karay. Wararka goor hore soo baxay ayaa sheegaya in ugu yaraan 50 macdan-qodeyaal uu qaraxu aasay.

 

Leave a Reply