Shirkad Diyaaradeed oo Qoys u Baajisay Muran ka Kacay Ilme Yar

0
319

Diyaaradda Mareykanka laga leeyahay ee Delta ayaa wajaheysa dhibaato dhanka xidhiidhka bulshada ah kaddib markii qoys uu sheegtay in diyaaradda laga saaray sababo la xidhiidha inay diideen inay banneeyaan kursi ay ku fadhiisiyeen ilmo yar oo ay dhaleen.

“Tani waa dembi ka dhan ah federaalka marka adiga iyo xaaskaaga waxaad mudan doontaan xabsi carruurtiinana waxaa la gelin doonaa xannaano ku meel gaadh ah,” mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa la maqli karayay isagoo u sheegaya qoyska.

Muuqaal laga duubay dhacdadan oo la soo geliyay barta Youtube-ka ayaa waxaa daawaday in ka badan labo milyan oo qof.

Delta ayaa sheegtay inay ka xuntahay wixii dhacay isla markaana ay magdhow siin doono qoyska.

Dhacdada ayaa dabosocota kiiska rakaab hore Dr David Dao, oo soo jiitay indhaha caalamka kaddib markii la dhaawacay isla markaana xoog looga saaray duulimaadkii diyaaradda United Airlines ee bishii hore. Kiiska ninkan ayaa waxaa bishii hore xallisay maxkamad iyadoo la siiyay magdhaw aan xadigiisa la shaacinin.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa dhacday 23kii Abriil xilli diyaaradda ay ka soo duushay Maui oo ka tirsan Hawaii kuna sii jeedday magaalada Los Angeles, balse waxaa la ogaaday markii muuqaalka lagu baahiyay online-ka.

Muuqaalka oo siddeed daqiiqo ah ayaa muujinaya Brian Schear oo ku doodaya in kursiga uu lacag ka ka bixiyay, halka shaqaalaha diyaaradda ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu banneeyo kursigan, Schear ayaa sheegay in kursiga lagu dul kireystay.

Schear ayaa sheegay in isaga uu markii hore kursiga u qabtay wiilkiisa weyn, oo duulimaad kaas ka horreeyay raacay si uu u hubiyo in mid kale oo ka mid ah carruurtiisa kale uu kursi u helo.

Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa u sheegay in wiilkiisa kale uu leeyahay kursiga, sidaas daraaddeedna uusan ku fadhiisin karin ilmaha.

 

Ilmihiisa labo sano jirka ah ayaa ku fadhiyay kursiga badbaadada carruurta, kaas oo shaqaalaha diyaaraddu ay sheegeen inuu mamnuuc ka yahay shuruucda maamulka diyaaradaha federaalka ah ee magacooda loo soo gaabiyo (FAA) isla markaana ay tahay in ilmuhu uu ku fadhiisto dhabta qof qaangaadh  ah.

Si kastaba talooyinka duulimaadyada ku aaddan ee ay daabacday shirkadda Delta ayaa waxaa ku jirta in carruurta ka yar labada sano diyaaradda looga iibiyo fadhi isla markaana lagu fadhiisiyo kuraasta badbaadada carruurta.

Shirkadda ayaa kula talineysa in sidoo kale carruurta ka yar labada sano lagu heyn karo dhabta waalidka haddii ay sidaa doortaan.

Website-ka FAA ayaa sidoo kale si xooggan ugu boorrinaya waaliddiinta in carruurta yaryar ku fadhiisiyaan qalab  badbaado oo kuraaastooda lagu xidho.

 

Leave a Reply