Qofkii ugu Buurnayd Dunida oo loo Duuliyay Imaaraadka

0
297

Haweenay reer Masar ah oo la rumaysnaa in ay ahayd qofkii ugu miisaan badnaa adduunka ayaa ka soo tagtay Isbitaal ku yaalla Hindiya iyadoo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay ka yareeyeen in ka badan 250kg.

Eman Abd El Aty ayaa la sheegay in culayskeedu uu ahaa ku dhawaad 500kg, diyaarad khaas ah ayaana Hindiya lagu geeyay si loo soo daweeyo.

Hadda waxay u soo duushay Isutagga Imaaraadka Carabta si ay u hesho dawayn dheeri ah, waxay hadda soo raacday diyaarad rakaab oo ay dad kale la saaran yihiin.

Dhakhtarkii qalay oo ku takhasusay buurni  dhimidda ayaa sheegay in ay “khalad” ahayd in la sii qaado.

Joogitaankeedii maalmihii u dambeey Hindiya waxaa hadheeyay muuqaal ay walaasheed Shaimaa Selim soo dhigtay baraha bulshada oo ay ku sheegtay in walaasheed aysan wali awoodin in ay hadasho ama dhaqdhaqaaqdo isla markaasna uusan ka dhicin hilib badan sida ay sheegeen dakhaatiirtu.

Isbitaalka ayaa si wayn u diiday eedayntaas.

Dr Muffi Lakdawala ayaa telefishin Hindiya laga leeyahay u sheegay in Selim ay doonaysay in walaasheed ay isbitaalka joogto tan iyo inta ay ka soconayso, balse dhakhtar ku takhasusay lafaha iyo murqaha ayaa  u sheegay in walaasheed Abd El Aty aysan mardambe cagaheeda ku socon doonin.

 

Wuxuu sheegay in arrintaas ay Selim ku qaaday in ay eedayso isbitaalka oo ay go’aansato in ay walaasheed u wareejiso Abu Dubay.

“Waan ka xumaaday in Eman ay ka baxdo baxnaanintayda la iina sheego in aanan sii wadi karin dawayntii aan wajigeeda ku samayn lahaa sidii qorshuhu ahaa, si kastabase ha ahaatee waxaan ku rajo waynahay in ay iyadu nafteeda xannaanayn doonto markastana si niyad sami leh ayaan ugu rajaynaynaa wanaag” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Qaliinka loo yaqanno Bariatric surgery ee dadka buurnida  lagaga yareeyo ayaa la maciinsadaa marka ugu dambaysa ee dadku ay halis u galaan buurnida  xad dhaafka ah iyo baruurta xad dhaafka ah.

 

Leave a Reply