Sideed U Kasban Saaxiibo Wanaagsan ?

0
389

Xikmadaha Imaamka Ibnu Qayim waxa ka mid ah “La saaxiibidda  dadka wanaagsan waxaad ke helaysaa in aad lix  camal oo xun ka tagto adigoo ku bedelay lix dhaqan oo wanaagsan kuwaasi oo ah.

1- Shakiga in aad ka baxdid oo aad  yaqiin iyo kalsooni heshid.

2- Inaad istuska camalkaaga ka saarto Allaha )sw) dartiina u qabtid.

3- Inaad ka baxdo qaflada oo aad u jeesato cibaadada Allaha (sw) adigoo xuskiisa carabka aan ka dhigayn.

4- Aduunyada iyo jacaylkeed oo aad ku bedelato jacaylka aakhiro

5- Kibirka iyo Islaweynida oo aad ka tagtid oo aad AIlah (sw) isu dhul dhigtid

6.Niyad xumada oo aad ka baxdid isla markaana aad ku guulaysato yididiilo iyo niyad wanaagsan. Noloshuna waa safar aanay suurtagal ahayn in la galo ee la helo saaxiib wanaagsan oo la raaco.

 

Leave a Reply