Xadiiska Rasuulka (scw)

0
3184

Abuu Hurayrah “RC” wuxuu yidhi: “Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Muslimiinta waxaa u iimaan sareeya kan ugu dabeecad wanaagsan,  waxaana idiinku wanaagsan kuwiina dumarkooda u dabeecad wanaagsan”.  Waxa weriyay Tarmadi ( waana xadiis saxiixa).

 

Ibnu Cabaas (RC), wuxuu yidhi: “Nin ayaa u yimid Rasuulka (scw), oo yidhi: “Rasuul Alloow waxaan ahay Weliga ama Mas’uulka Gabadh  Agoon ah, laba nin ayaa soo doonay  oo raba inay guursadan, midkood waa Maalqabeen, midna waa  Miskiin gacan madhan, markaa waxaan doonaynaa in aan siino kan  maalqabeenka ah, laakiinse iyadu waxay doonaysaa ninka saboolka ah. Nabiga (scw) wuxuu ku yidhi ninkii: “Guurku wuxuu munaasib u yahay dadka is jecel ee is raba”. (waxaa weriyey  Ibnu Maajah).

 

Leave a Reply