Dagaal u Dhexeeya Ciidamada dawladda Afgaanistan iyo Daaliban oo Barakiciyay Dad Badan

0
345

Saraakiil ka tirsan xukuumadda Afganistan ayaa sheegay in laba kun oo qoys oo ku noolaa magaalada woqooyiga dalkaa ku taal ee Kunduz ay ka qaxeen guryahooda, dagaal laba maalmood ku dhex maraya Daliban iyo ciidamada dawladda awgii.

Wararka ka imanaya gobolka Kunduz ayaa sheegaya in dagaal socdo oo haatanna ay Taliban gacanta ku hayso Qalca Zaal isla markaana ay culays ku hayaan ciidamada nabad gelyada ee degmadaa ku sugan.

Wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in kumanaan qof ay maalmihii la soo dhaafay ay ka qaxeen guryahooda, kuwo badan oo kalena ay hore u sii baro kaceen.

Labadii sannadood ee la soo dhaafay ayaa Taliban waxay laba jeer qabsadeen badhtamaha magaalada inkasta oo markii dambe laga saaray.

Dagaalka magaalada ka socdaa waa mid kolba la isku rogaal celinayo oo Afganistan oo dhan ka taagan. Laakiin Taliban waxay isku dayayaan in ay dhul badan qabsadaan. Laakiin dagaalkani wuxu khasaare weyn gaadhsiiyey shacabka.

Warbixin dhawaan Maraykanku soo saarayna waxay sheegaysaa in, in ka badan lix boqol oo kun oo Afganistaniyiin ahi ay sannadkii hore ku baro kaceen dagaaladan socda. Taas oo ah in tirada dadka bara kacay kor ugu kacday boqolkiiba afartan.

 

Leave a Reply