Maskaxdiisu Waxay ku Jirtay Waali Joogto Ah!

0
344

Wuxuu  ahaa hantiile weyn oo ay adag tahay in la maleeyo inuu noqon doono  sabool gidaarada seexda. Wakhtigan waa nin miskiin ah oo seexda dariiqyada Newyork isagoon mararka qaarkood haysan xataa barkimo.

 

William Preston wuxuu  ahaa  qoraa iyo ganacsade Maraykan ah  wuxuuna sanadadii sideetanaadkii ahaa dadka hantida leh ee caanka ah.  Waxaanu  ahaa qoraaga filimkii The wolf of wall street. Wuxuu  jeclaa inuu saamiyo ku yeesho baananka iyo shirkadaha.

 

Wargeyska Newyork Post   ayaa soo bandhigay ninkan oo noqday  nin faqiir ah oo jiifa dariiqyada   magaalada isagoo barkan shandadii ay ugu jireen alaabadiisu. Waxaana la sheegay inuu ahaa nin aad u isticmaala   mukhaadaraadka,  taasi oo  sabab  u ah inuu isu rogo nin faqiir oo baahan oo aan xataa guri  uu u hoydo lahayn kadib markii maskaxcdiisu ka bixi weyday waali joogto ah.

(source : daily Mail)

Leave a Reply