Caanaha Lo’da Oo La Ogaadey Inay Caruurta U Fiican Yihiin

0
1187

Dhakhaatiirta dalkaasi Canada ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen soo saaray natiijadeedii, iyaga oo sheegay in caanaha lo’da oo ay daraasadan ku samaynayeen ay ogaadeen in ay caruurta uga fiican yihiin caanaha kale ee la isticmaalo, marka laga reebo caanaha naaska hooyada.

Waxa kale oo ay sheegeen in caanaha lo’da caruurta cabtaa ay ka dhaadheer yihiin caruurta kale, waxaanay qiyaas ahaan sheegeen inay ka dheeraan karaan 0.4cm dherer dhan,iyaga oo intaasi ku daray in haddii maalin walba koob cano lo’aada la cabo ay taasi keento inuu qofka ku siyaado dherer dhan 0.2 cm.

Tusaale ahaan waxay tilmaameen in ilmaha saddex jirka ah ee saddex koob oo caano lo’aada caba maalintii inuu noqonaayo dherer ahaan 1.5cm mid ka dheer caruurta kale.

Waxay dhakhaatiirtani tilmaameen in caanaha lo’du ka wanaagsan yihiin caanaha kale ee la isticmaalo marka laga yimaado kuwa naaska hooyada, waxaanay intaasi ku dareen  in ay aad ugu wanaagsan yihiin koritaanka caruurta oo ay sheegeen  in ay ka helaan Proteins badan, iyada oo koob waliba ka kooban yahay 16 g oo protein ah, kaas oo ah inta uu jidhku uga baahan yahay proteinkaasi.

Waxay sheegeen in ay daraasadan ku ogaadeen in in ka badan 5,000 oo caruur da’doodu u dhaxayso 24   ilaa 72 bilood  jir in 13% kamid ahi yihiin kuwo hela oo caba caano lo’aad maalintii.

Khubaradan ayaa sidoo kale soo xigtay daraasado hore oo tilmaamaayey faa’idada caanuhu u lee yihiin qofka ama bani’aadmiga, iyaga oo sheegay inay jidhka siyaan  macdano kala duwan oo ay kamid tahay Vitamin B iyo sidoo kalena Proteins badan.

 

Leave a Reply